Somaliland: Beello Cabasho ka Muujiyay Isku shaandheyn Madaxwayne Siilaanyo ku sameeyay Xukuummadiisa

505

Iyadoo Madaxweynaha Somaliland,  Habeenkii  xalley isku shaandheyn ku sameeyay Xukuummadiisa ayaa waxaa soo baxaya cabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah beelaha dega Somaliland, kuwaasi oo aan ku jirin Masuuliyiintii xalley loo magacaabay Xukuummada Madaxwayne Siilaanyo.

Beelaha Gabooye ee  dega Somaliland, islamarkaana ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Isku shaandheynta madaxwayne Siilaanyo ee xalley, taasi oo beelaha dega Somaliland oo dhami ay iska dhex arkeen  marka laga reebo beesha Gabooye.

Suldaan Daakir oo ka mida salaadiinta Beesha  Gaboooye ayaa sheegay in aan xukuummada Siilaanyo aanay ka helin saamigii ay ku lahaayeen Dawlada Somaliland.

“ Madaxwaynuhu markasta oo uu isku shaandheyn sameynayo qalinkiisu ma qabto beelweynta Gabooye ee ku nool Jamhuuriyada Somaliland, xaqna u leh inay ka muuqdaan qarankan”ayuu yidhi Suldaan Daakir oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Suldaanku waxaa uu intaasi ku daray oo uu yidhi“Beelaha Gabooye ee aan madaxda u ahay waxaan leeyahay Xukuummadani waxba idiin ma hayso ee waxba haku daalina, aan wada tashano walaal waxbaa inaga maqan innaga(Beesha Gabooye)oo waad arkaysaan sida loo sameeyay isku shaandhentii Xalley”

Beesha Gabooye oo inta badan la sheego inay tahay beelaha laga tirade badanyahay ayaa waxaanay ka muuqan xukuumadihii kala duwanaa ee Somaliland iyadoo xukuummada Madaxwayne Siilaanyo ee imika Hogaamiso siyaasada Somaliland ay kaga Jiraan masuuliyiin aan gaadhey 5qof.

Comments

comments