Somaliland: Faysal Oo Racfaan Uu Qaaday Go,aankii Gudida Diiwaangalinta U Gudbiyay Maxkamadda Sare

war saxaafadeed ka soo baxay garabka uu hogaamiyo gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa lagu sheegay inay racfaan ka qaateen go’aankii ay guddida diiwaan gelinta ururada siyaasadu ka soo saartay khilaafkii xisbigaasi.

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u dhignaa sidan, “1.Sida lala wada socdo waxa Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ay soo saartay 21/07/2016 go’aan maamul. Go’aankaas oo ay ku ayiday doodii gudoomiyaha Xisbigga UCID ee ahayd in is-afgaradka ku taariikhaysan 12/7/2012 ee ay wada galeen gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Jamaal Cali Xuseen uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo ay tahay in loo gudbiyo Shirwaynaha Xisbiga UCID si uu uga go’aan gaadho is-afgaradkaas iyo wixii ka dhashayba. Waxase Gudidu ay faro-gelisay qaabka ay tahay in loo qabto Shirwaynaha iyada oo ay jiraan xeerar si cad u tilmaamaya qaabka loo maamulo, loona qaban qaabiyo shirwaynaha Xisbiga UCID.

2.Hadaba, Hogaanka Xisbiga UCID iyo Golaha Fulintu iyaga oo la tashaday xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga islamarkaana si dhow u dersay Xeerka Xisbiga iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta, Xeer Lr. 14/2001 waxaay go’aansadeen in dacwad loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo awood u leh.

3.Sidaasdarteed, maanta oo ay bishu tahay 13kii August 2016, waxa qareenada gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID ay gudbiyeen rafcaan ka dhan ah Go’aanka Gudida.

4.Sidaas awgeed, waxaanu la socodsiinaynaa shacab waynaha Somaliland, xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga in mar walba ay waajib tahay in la raaco Xeerka Xisbiga islamarkaana hogaanka Xisbigu uu qaadayo talaabo kasta oo sharci ah oo uu ku hubinayo in loo hogaansamo shuruucda Xisbiga iyo xeerarka dalka. Mar walbana ay saraynta leeyiihin Xeerka Xisbiga iyo xeerarka dalku ayna yihiin waxa keliya ee lagu dhaqmayo”.

 

Comments

comments