Somaliland: “Waanu Ognahay Sida Xasan Sheekh Ugu Mashquulsan Yahay Hagardaamaynta Somaliland Isagoo Meel Uu Ka Taliyaaba Aanay Jirin” Wasiir Xuseen Dayr.

399

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Ayaa Sheegay Inay Ku Mashquulsanatahay Maamulka Muqdisho Sidi Ay Uga Abuuri Lahayaan Dekedda Berbera Inay Mucaarid Ku Yihin Midnimada Somaliland Balse Xuseen Dayr ayaa sankaga jawaabay

Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Hantidhawraha dawladda itaalka daran ee Muqdisho, Mr. Nuur Jimcaale Faarax oo sharci darro ku sheegay heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo shirkadda DP World ee la xidhiidha horumarinta iyo Casriyaynta Dekedda Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Eng Xuseed Aadan Cigge (Xuseen Dayr),ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Hanti dhawraha Dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay in Somaliland aanay heshiisyadeeda iyo danaha qarankeeda cid kale aanu hadal uga furnayn.

Wasiir Eng Xuseen Dayr oo waraysi gaar ah siiyay xalay Wargayska DAWAN, ayaa intaa ku daray in Somaliland mar kasta ay diyaar u tahay in dalalka deriska inay kula noolaato nabad-gelyo, jaar wanaag iyo iskaashi isagoo geesta kalena caddeeyay in qaranka Somaliland aanu u dul qaadan doonin daan daansiga iyo gardarrooyinka Dawladda Xasan Sheesh Maxamuud mar kasta kala kacdo Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga oo ka jawaabayay hadalkii deel-qaafka ahaa ee Hanti-dhawraha Muqdisho, waxa uu yidhi “Somaliland waa dal xor ah, una madax-bannaan danihiisa dhaqaale iyo siyaasadeed iyo nabad-gelyo iyo bulsheed in uu isagu masuul ka noqdo,waxaanu leenahay Madaxwene la doortay iyo goleyaal qaran iyo dawlad ku shaqaysa rabitaanka iyo aragtida ay ummaddu doonayso.”

“Mashruucaa maal-galinta iyo Casriyaynta Dekedda Berbera, dawladda Somaliland cidna u daba fadhiisan mayso annaga (Somaliland) ayaa xaq u leh oo talladiisa iyo qorshihiisaba leh. Xamar iyo cid kale toona waxba ka waydiin mayno laakiin haddii ay iyagu garan waayeen sidii ay nabad-gelyo iyo horumar iyo nabad dalkooda ugu keeni lahaayeen oo dekedoodii Muqdisho iyo Madaarkoodii Xamar dawlado kale ay u maamulayaan oo lagu aamin waayay u dul qaadan mayno in ay Somaliland mar walba ku xoqdaan u dulqaadan mayno..waanan ognahay mar walba sida ay Xukuumadda Xasan Sheekh ugu mashuulsan tahay carqaladaynta iyo hagardaamaynta Somaliland iyadoo meel ay ka talisaaba aanay jirin.”

Wasiir Xuseen Aadan Cigge, waxa uu xusay in Soomaaliya looga baahnaa inay wax ka bartaan dawladnimada shaqeynaysa ee Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland waxay mar walba mudnaanta koowaad siinaysaa in ay dalalka deriska kula noolaato nabad-gelyo is-faham iyo jaar wanaag, laakiin markay toodii maarayn waayeen in ay horumarka Somaliland iyo guulaha ay gaadhay in ay ka hinaasaan ma ahayn ee in ay daris wanaaga dhawraan ayay ahayd oo ay nagaga daydaan naguna Hambalyeeyaan.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xukuumad ahaan waxay kala socdaan socdaalka Xasan Sheekh Maxamuudka Soomaaliya ku tegay magaalada Jigjiga Xarunta DDSI iyo tallaabooyinka uu ku carqaladaynayo Somaliland,ayaa yidhi.”Run ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda DDSI waxay ka wada hadleen Somaliland ahaan nama khusayso,laakiin waxaanu ognahay in Xasan Sheekh in ku hawlan yahay mar kasta hagar daamaynta iyo carqaladaynta Somaliland taasoo uu geed hoose iyo mid dheerba u koray kuna mashquulsan yahay qorshe dhagaraysan oo lagaga soo horjeedo qarannimada,madax-bannaanida Somaliland iyo Mashruuca balaadhinta iyo Casriyaynta Dekedda Berbera oo ah Mashruuc aad u muhiim ah isla markaana horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsigaba qeyb weyn ka qaadanaya. waa mashruuc isku furaya guud ahaanba ganacsiga geeska Afrika,waanu ognahay in Xasan Sheekh waayadanba uu ku mashquulsanaa mashruuc hore oo guul daraystay oo ummadda Afka-Soomaaliga ku hadashaa ay ka dheregsan tahay guul-daradii ka dhalatay iyo dhibaatooyinkii uu sababay kaasoo ah Midnimada Soomaali weyn. dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Dawladda Federaalka Itoobiya waa dal aanu jaar nahay saaxiibtinimo wanaagsan iyo iskaadhi dhaqan dhaqaale ayaa naga dhexeeya. Xasanka Muqdishana loogama baahna in uu ku dhex war wareego Saaxiibtinimada,walaalnimada iyo iskaashiga naga dhaxeeya Itoobiya. waxaa looga baahan hahay in uu u maaro helo tiisa iyo dhibaatada hoostiisa taalla wadanka uu madaxda u yahay.”

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashigu waxaa uu u mahad-naqay kuna bogaadiyay mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ee meel mariyay isla markaana xalaaleeyay heshiiska Xukuumadda iyo shirkadda Caalamiga ah ee DP World iyo Wasiirradii hawshaa sida wanaagsan uga soo shaqeeyay.

Dhinaca kale Heshiiska oo Markii ay Xukuumaddu la gashay Shirkadda DP World ee uu guul iyo is afgarad ku soo dhammaaday ayuu Madaxweynaha Somaliland isagoo raacaya dastuurka qaranka Somaliland waxaa uu xalaalaynta heshiiskaas u gudbiyay golaha wakiilada oo dood iyo falanqayn ka dib heshiiska maalgalinta iyo casriyaynta Dekedda Berbera cod aqlabiyad ah ku meelmariyay heshiiskaas oo guud ahaan bulshada reer Somalland gudo iyo dibadba soo dhawayeen, iskuna raaceen in raasamaalkiisa dalku manaafacaadsan doono muddo dheer.

Comments

comments

SHARE