Somaliland: Shirkii Beelaha Garxajis Oo Bari Ka Furmaaya Magaalada Hargaysa.

296

Shirkii Beelaha Garxajis ayaa maalinta bari ka furmaaya Magaalada Hargaysa. Shirkan oo qaban qaabadiisu ka socotay mudooyinkii u danbeeyay isla markaana sas weyn ay Xukuumaddu ka muujisay ayaa lagu wada inuu bari u furmo Beelaha Siciid Garxajis iyo Daa-uud Garxajis.

Sida ayay warar ku dhaw dhaw shirkaasi u xaqiijiyeen Shabakada Wararka ee Somalilandtoday.com, wuxuu shirku ka furmi doona Huteel Maroodijeex.

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa shirkan ka muujiyay shaki badan iyagoo abaabulay Odayaal dhaqameed shirka duray. Sidoo kale lama sheegin wuxuu shirkaasi kaga duwanyahay shirarka kale ee Beeluhu qabsanayeen mudooyinkii u danbeeyay, iyo sababta shakiga Xukuumadu daaranyahay.

Comments

comments

SHARE