Somaliland: Shir-Weynihii Beelaha GARXAJIS Oo Saaka La-Filayo Inuu HARGAYSA Ka Furmo

223

Waxa la filayaa inuu saaka si rasmi ah Hotel ku yaalla Berrigga Magaaladda Hargaysa ka furmo Shir-weynihii Beelaha GARXAJIS,kaas oo Todobaadyaddii ugu danbeeyay uu diyaar-garawgiisu ka socday Guddaha Dalka iyo Dibaddaba.

Shirkan oo ah mid aad isha looggu hayo qodobadda Kasoo baxa iyo Saamaynta uu ku yeellan-doono Siyaasadda guud ee Somaliland,ayaa la sheegayaa inay Xukuumaddu qaadday tallaabooyin badan oo ay rabtay inay Isku-hor-taagto,balse aannay ilaa hadda ku guulaysan.

Xukuumadda,ayaa sidoo kale waxay dedaal xooggan u gashay inay kala dhantaasho Siyaasiyiinya iyo Madax-dhaqameedka Shirka wada-balse ilaa hadda umay suuragalin,lamina saadaalin karo Talaabadda au qaadi-doonto Xukuumaddu Saaka uu u furmayo Shirku.

Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Hoggaanka Xisbigga KULMIYE,ayaa waxay Todobaadyaddii u danbeeyay si joogto ah uga qeyb-galayeen Shirar beeleedyo kala duwan,kuwaas oo ka dhacay Gobollo badan oo Dalka ka mid ah,balse shirkan,ayaa ay Xukuumadda si aad ah uga soo hor-jeesatay,iyadda oo ka-cabsi qabta in Siyaasiyiinta Hawshan Dabada ka-riixayaa ay soo sarraan Go’aammo Soo Afjari kara Xukuumadda SIILAANYO Iyo Xisbigga KULMIYE-ba.

Comments

comments

SHARE