Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Sheegay  Maanta in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Cafis u fidiyey Shakhsiyaadka ka soo Qancay Siyaasada Somalia ee u dhashay Jamhuuriyada Somaliland.

Wasiirka ayaa waxaa uu si gaar ah u sheegay in xukuumada Somaliland oo uu afkeeda ku hadlaayo ay maanta  laga bilaabo ay cafis iyo saamaxaad u fidisay siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka rer Somaliland ee ku sugan Dalka Somaliya kuwaas oo hore dalka in ay yimaadan ay mabnuuc aheyd isla markaana ku xukunaa qodobka khaayin wadan .

Hadalkan wasiirka ayaa waxaa uu ku soo beegmaya ka dib markii madax dhaqameed iyo siyaasiyiin rer Somaliland ah oo moqdisho ku sugan ay ka biyo diideen qodobo ka soo baxay shirka Madasha Somaliya oo lagu soo xulaayo ergooyinka aqalka Sare ee dalkaasi Somaliya oo ay sheegen in aan Somaliland xaqoodii la duudsiiyey isla markaana  ay codsanayaan in diyaarado ay Hargeysa ku yimadan loo soo diro.

 

Comments

comments