Somaliland: Cali Guray Oo Ka Hadlay Wada-hadaladda Oo Furmay Khaatumo Iyo Somaliland

462

Cali Khaliif waa nin hal adag oo go’aan leh. Khaatumo-san iyo Somalia wax isugu hadhay ma jirto waanu cadeeyay oo wuu ka badheedhay in aan Somalia wax isugu hadhay jirin ee go’aanka Khaatumo yahay inay isugu soo lugo duwadaan Somaliland iyo gurigoodii hooyo. Cali Khaliif Galaydh isaga oo ka soo quustay Dawladda Muqdisho hadal wuxu ugu soo dhameeyay KARIS XUN IYADAA KU WAX LA’. Madaxwaynaha Puntland oo isaguna ka hadlay Mawqifka Khaatumo kana jawaabayay hadalkii Cali Khaliif marka aad iska dhaafto wixii af legaado ku jiray wuxu ku soo gunaanaday af gobaadsiba ha ka ahaato hadii uu doono eh “Dhulbahante waanu u ducaynaynaa” isaga oo ka xun go’aanka Khaatumo iyo wada hadalka u furmay iyaga iyo xukuumadda Somaliland. Marka ay sidaa tahay Somaliland iyo xukuumadeeda waxa ku soo meeray xil culus Alleh ha ku asturo oo ha u fududeeyo eh.

Hadaba, in kasta oo danta Somaliland ay ku jirto in la gaadho heshiis dhan oo keeni kara midnimo qaran oo loo wada dhan yahay hadana waxa jirta in wadahadalka furmay uu leeyahay cadowyo badan oo gudaha iyo debedda Somallandba jooga oo iyagu sharaysanaya wada hadalka u bilaabmay Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo.
Gaar ahaan Somaliland waxa jira dad aan ku faraxsanayn ama ka shaki qaba wadahadalkan iyada oo sababta ugu wayni noqon karto saamaynta uu ku yeelan karo awood qaybsiga iyo hanti qaybsiga (power sharing and resource sharing) hadiiba uu guulaysto. Waayo saamigii ay ku yeelan lahaayeen Dhulbahante labadaa arin ayaa hore loo kala qaatay intii la kala maqnaa oo ku dhex maqan Somaliland iyadoo inta ugu badanina ay ku maqan tahay beesha dhexe. Waxa kale oo jira kuwo ay Cali Khaliif isku hayb yihiin oo Dhulbahante ah oo iyaga laftooda ka werwersan wada hadalka u bilaabmay xakuumadda iyo Khaatumo kuwaas oo iyagu Hargaysa ku sugnaa muddo dheer oo isu dhigay inay Dhulbahante abaan u yihiin taladana ay tahay in mar kasta iyaga loo daba fadhiisto wixii khuseeya reerka Dhulbahante. Kuwaasi oo mar kasta iyaga is xigsiiya dhinaca Madaxtooyada iyo xukuumadda oo si gaar ah looga buunbuuniyo. Hadana kaalintoodu aanay ahayn wax ka badan weji ku macaash iyo af miishaarnimo lakiin runtii aan mar keliya wax ka tarin ama aan doonaynba isu soo dhawaynta Somaliland iyo reerkoodo waayo waxay ogaayeen in iyaga ay ugu badinayso kala maqnaanshaha saxna way ahaayeen oo waxay ku heleen aduun badan iyo awoodo dheeraad ah oo ay ku muquunin kareen in badan oo ay isku hayb yihiin oo iyagu dhinaca wanaaga iyo midnimada Somaliland u janjeedhay daacadna ka ahaa hadana aan waxba cidi maqlin ama ka maqli jirin dhinaca Xukuumadda gaar ahaan Madaxtooyada.
Maanta maxaa laga fili karaa kuwaa iyagu Hargaysa joogay ee ugu awooda badnaa ee ku taajiray hantida badanna ku urursaday colaadii iyo kala maqnaanshihii Somaliland iyo beeshooda? Sida aan filayo hadii aan laga feejignaanin waxay tuur iyo tarbiico isugu yeeli doonaan sidii ay u kala tuuri lahaayeen wadahadalka wax heshiis ahna aan loo gaadhi lahayn waayo danahooda gaarka ah kama dhex arkaan in la isu yimaado oo la wada heshiiyo.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh ugu dambaysta waxa muhiim ah in natiijadu ku hirato xal waara oo laga gaadho guud ahaan khilaafkii u dhexeeyay Dhulbahante oo isu dhan iyo Somaliland ee aanay noqon sidii caadadu ahaan jjirtay kuwo maqnaa oo yimaada oo la soo dhaweeyo iyo kuwo joogay oo indhaha laga laliyo oo ka Cadhooda oo kuwii yimi waydaarta. Maanta mar hadaan meel la isu waydaartaa jirin xalku waa inu noqdaa mid lagu wada joogi kara oo Dhulbahantena isku haya Somaliland iyo Dhulbahantena isku haya Somaliland oo dhana isku keen wada haya. Kaasina ugu dambaysta waa xal cadaalad ah.

Comments

comments

SHARE