Loolanka: Siyaasiyiinta Reer Sool,Wasiirada Cali Sandule Iy Baashe Cali Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhex Maray Iyo Kulamo Lagu Heshiisiinayay Oo Lagu Kala Kacay+Saamaynta Cali Khalif Galaydh

Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka sool ee bariga Somaliland ee xilalka ka haya xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa si wayn ugu xafiiltamaya sheegashada soo xero galinta hor-joogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo hanashada kalsoonida beelaha dega gobolka sool oo hadda u muuqda inay aqlabiyadoodu usoo faruurmayso dhinaca Somaliland,madaama oo dhawr jabhadood oo ka dhex samaysmay ay burbureen una soo gacan galeen dhinaca dawlada Somaliland.

Ilo wareedyo wargeyska Foore helay aya tibaaxay dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo awood sheegasho ah ku salaysan iyo cabsi ay ka qabaan in kursiga laga riixdo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka sool ee xilalka ka haya xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,siyaasiyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland,Baashe Cali Jaamac,wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule),wasiirka wasaarada caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) wuxuu mid walbaaba dhinaciisa dadaal ugu jiraa sidii uu u kasban lahaa madaxtooyada iskuna tusi lahaa doorka uu ka qaatay xalinta dagaaladii sokeeye ee dhawaan ka dhex qarxay beelo wada daga gobolka sool,,waxa kale oo mid walbaaba isha ku hayaa siyaasiga soo kordhay ee Cali Khaliif Galaydh inaanu wax saameyn ah ku yeelan kursigiisa.

Tibaaxo rasmi ah oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogay is marin waa ka dhex aloosan wasiirka biyaha Baashe Cali iyo wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Cali Sandule,waxaana la sheegay in labadan masuul uu dhex maray dagaal gacan ka hadal ah kadib markii ay isku fahmi waayeen muran xoogan oo dhex maray .

Cali Sandule ayaa la sheegay inaanu habayaraatee ka qayb galin shirkii nabadaynta ahaa ee dharkayn geenyo ee lagu heshiisiinayay,beelihii dhawaan dagaalku dhex maray,taasi oo sida la sheegay uu kaga awood roonaaday wasiirka biyuhu Baashe Cali oo isagu lahaa sida la sheegay abaabulka iyo isku dabaridka shirkaasi.

Labadan masuul oo isku beel kasoo wada jeeda iskuna haya kasbashada kalsoonida beesha ay kasoo wada jeedaan ayaa si wayn isku khilaafay shirkaasi,waxaana uu Cali Sandule aaminsan yahay inuu Baashe Cali khiyaamay oo aanu waxba ka siin shirkaasi isla markaana uu ka qarsaday abaabulkiisa.

Kulamo labadii casho ee u danbeeyey la isku horfadhiisiyay labadan masuul guryo hargeysa ku yaala ayaa lagu kala kacay,.

Wasiiir Xaglo-toosiye iyo Cali Sandule ayaa u muuqda qaar awoodoodii sii wiiqmayso oo aan wax door ah ku lahayn guulihii nabadaynta gobolka sool oo wax wayni iska badaleen, isla markaana lasoo xero galiyay abaanduulihi ugu sareeyey kicinta dadka ku dhaqan gobolka sool iyo buuhoodle,waxaana muuqata ifafaalo la taaban karo oo muujinaysa sida ay masuuliyiintani u waajihii karaan is badal ku yimaada doorka ay ku leeyihiin xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo kuraasta ay ku fadhiyaanba.

 

Comments

comments