War Deg Deg Ah” Somaliland Oo Cafis Ku Sii Daysay Maxaabiistii Maamulka Puntland Lagaga Soo Qabtay Dagaalkii Bariga Gobolka Sanaag.

327

Maxaabiistii Puntland ee lagaga qabtay dagaalkii ka dhacay bariga sanaag dhowaan oo ku xidhnaa magaaladda ceerigaabo oo hore loo sii daayey sadex ka mid ah, ayaa galabta laga sii daayey afartii hadhay  jeelka magaaladda ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag, halkaas oo ay ku xidhnaayeen in muddo ah.

Afartan maxbuus ee la sii daayey, ayaa la sheegay in ay somaliland cafis u fidisay, kuwaas oo maxaabiistii hore looga reebay in ay ahaayeen kuwo lagu qabtay iyaga oo dagaalamaya, waxaana lagu hayey muddadaas jeelka magaaladda ceerigaabo oo galabta laga sii daayey una amba bexeen dhinaca maamulkooda.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland, balse mid ka mid ah masuuliyiinta Gobolka Sanaag, ayaa sheegay in afartan maxbuus galabta laga sii daayey jeelka magaaladda ceerigaabo, ka dib cafis ay somaliland u fidisay, waxaana hore loo sii daayey sadex kale oo ka mid ahaa maxaabiistaasi, kuwaas oo uu ku jiray nin xildhibaan ka ahaa puntland.

Comments

comments

SHARE