Somaliland: Xildhibaanno Soo Dhaweeyay Ansixinta Heshiiska Casriyaynta Dekadda Berbera

154

Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo dhaweeyay tallaabadii uu golahaasi ku meel mariyay heshiiska hor dhaca ah ee ay xukuumadu la gashay shirkadda imaaraadka ee DP World. Waxaanay tilmaameen in uu yahay guul weyn oo qaranka Somaliland uu gaadhay in aqal koodu cod aqlabiyada ku ansixiyo heshiiskaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo xildhibaan Maxamed Xuseen Xaashi (Ciise), oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, waxay sheegeen in danaha Somaliland uu ka turjumayo heshiiska xukuumaddu la gashay shirkada DP World ee casriyaynta ku samaynaysa dekeda Berbera.

Waxaanay carabka ku adkeeyeen shaqo abuur iyo maalgashi ka abuur mayo heshiiska Dp World ee golaha wakiiladu ansixiyay.Ugu horayn xildhibaan Cabdirxmaan Yuusuf Cartan, oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DP World ee golahoodu ansixiyay, waxa uu ku jawaabay “Waa guul weyn oo qaranka u soo hoyatay ayay ahayd in golaha wakiiladu ansixiyo heshiiska xukuumadu la gashay shirkada DP World ee casriyaynta iyo dib u habaynta ku samaynaysa dekeda Berbera.

Caalamka horumaray ayaana ku biiraynaa dekadda Berbera ayaa la casriyaynayaa waxaanay furaysaa fursad balaadhan oo afrika oo dhan ayaan ganacsi la yeelanaynaa inaguna waxaynu nahay bulsho ganacsato ah.
Markaa fursadani wax weyn ayay inoo noqonaysaa shaqo ayaa la helayaa oo maalgashi balaadhan ayaa imanaya markaa muftaaxii maalgashiga Somaliland ayaa golaha wakiiladu ansixiyay oo isku raacay,oo aanu u ogolaanay xukuumada in heshiis la gasho shirkada Dp World oo ka tur jumaya danaha Somaliland sida heshiiska loo soo bandhigayna si wanaagsan ayay ahayd.qaababka uu ka koobnaanayana heshiisku waa la qeexay ee wax loo kala yeelanayo,”ayuu yidhi xildhibaan Cartan.

Sidoo kale xildhibaan Maxaxmed XuseenXaaji Ciise, ayaa isna tilmaamay in heshiiska xukuumaddu la gashay shirkada DP World uu yahay mid manfac u leh dalka, isla markaana ansixin tiisa u arkeen in danta qaranka u jirto in ay meel mariyaan heshiiskan. Waxaanu yidhi “Waxaanu u aragnay in maslaxada dal ahaan iyo qaran ahaan ay ku jirto in aanu ansixino heshiiska xukuumadu la gashay shirkadda DP world, waayo waa heshiis caalamiya waxaana aan rejaynaynaa in uu noqdo heshiis manfac u leh qaran ahaan iyo gobalka saaxil ahaan in ay ka faa’iidaan ayaan rejaynayaa oo shaqo abuur inoo sameeya iyo in dekeda Berbera dib u habayn lagu sameeyo.
Heshiiskanina waa mid hordhac ah sida xukuumaddu sheegtay golaha wakiiladuna waa ku raacay xukuumadda heshiiskan sidaas ayuuna sharci ku noqonayaa, madaama golaha wakiiladu ansixiyay.”4

Comments

comments

SHARE