Somaliland: Saylici Oo Ka Qeyb Galay Munaasibad Shahaadooyin Lagu Guddoonsiinayay Bahda Gar-soorka

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qeyb galay munaasibad lagu abaal-marinayay bahda gar-soorka iyo hay’adaha la shaqeeya oo la sheegay in ay dhaqaajiyeen barnaamijka dib-u-habaynta gar-soorka Somaliland.

Kulankaasi oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka cadaaladda, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyaha ciidanka booliska, taliye ku xigeenka ciidamadda asluubta, gar-sooreyaal iyo masuuliyiin kale.

Kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen bahda cadaaladda iyo gar-soorka Somaliland, ayay u jeedadiisu ahayd sidii loo abaal-marin lahaa bahda gar-soorka iyo hay’adaha la shaqeeya oo is-bedel muuqda ku sameeyay shaqadoodda.
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay faa’iidadda ay leedahay in si cadaalad ah ay u shaqeeyaan hay’adaha gar-soorku, isagoo xusay in aanay suurto gasheen nabadgeliyadda aynu haysanaa, haddii aan si cadaalad ah ummadda loogu gar-soorin.

Waxaanu kula dar-daarmay madaxweyne ku xigeenku bahda gar-soorka in ku farro-adkaadaan hawlaha cadaaladda. Waxaanu yidhi “Haddii aynaan ummadda u cadaalad falin, nabadgeliyadan quruxda badan ee aynu maanta haysanaa ma jirteen, sababta keentay-na kala-danbaynta weeyi.
Kala-danbayntana waxa muujiyaa waa sharciga, markaa sharciga in aad sidaas ugu farro-adkaataan, aad iyo aad ayaan idiinku hambalyaynayaa, idiinkuna mahad naqayaa. Haddii uu kiiska soo qaloociyo ninka danbi-baadhaha ah ee saldhigajoogaa, sidaas ayuu qaloocu ku soconayaa.

Sidoo kale C/raxmaan Saylici, ayaa uga mahad celiyay guddoomiyaha maxkamadda sare dib u habaynta uu ku sameeyay bahda gar-soorka. “Waxaan aad iyo aad idiinku hambalyaynayaa, dib u habaynta uu guddoomiyaha maxkamadda sre ku sameeyay gar-soorka, laakiin, qof-na kelidii wax ma qabto, haddii aanay koox kale oo la shaqaynaysaa jirin” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Waxaa isna hadal ka jeediyay guddoomiyaha maxkadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, waxaanu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda kulankaasi. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kulan-keenan maanta (shalay), waxaynu ugu tallo-gal-nay, gar-soorku dib-u-habayn ayuu ku soo jiray ilaa 2011-kii. Waxaanu dar-dar xoogan galay wakhtiyadii ugu danbeeyay.
Markaa is-bedelkaasi dadkii iyo hay’adihii ka qayb qaatay, oo ay ka mid yihiin, xeer ilaalinta, gar-soorka iyo hay’adaha kale ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso, sida booliska, asluubta iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya, in cidii gawshaasi dhaqaajisay aanu u dhiiri gelino, oo shaqadda fiican ee ay qaranka u hayaana u sii socoto, ayaanu halkan ugu tallo-galnay in lagu siiyo shahaado sharafyo”.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Axmed Faarax Cadare, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in bahda gar-soorka iyo hay’adaha la shaqeeyaaba ay mudan yihiin in abaal-marino la siiyo, maadaama oo ay si wanaagsan u guteen shaqadoodii.
Waxaanu yidhi “Qofka dedaal sameeya, waa in abaal-marin la siiyaa, oo la qadariyaa. Qofka shaqadiisa gaba-na waa la casilaa”.
Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay taliyaha ciidanka booliska iyo taliye ku xigeenka ciidamadda asluubta, waxaanay dhamaantood-ba sheegeen in bahda gar-siirku ay muujiyeen dedaal badan, isla markaana ay ka muuqato dib u habaynta lagu sameeyay gar-soorka, sidaas darteed-na ay mudan yihiin in la abaal-mariyo.

Comments

comments