Somaliland: Mudanayaasha Golaha Wakiilladu Maxay Dhaafsadeen Meelmarinta Wareejinta Dekedda Berbera?

“Qodobka labaad ee loo codaynayaa waxa uu noqonayaa in Dhukumentiyadaa lagu ansixiyo sidii lagu keenay..” Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

“Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Jebiyey Xeer-hoosaadkii Golaha.. Arrinkaa laba ayuu ku kasban lahaa Somaliland badbaadeeda oo uu taageero ku helo iyo inay ku dhintaan isaga iyo Gole-weynihiisu..” Xil. Qabile 

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay Cod Aqlabiyad ah ku meel-mariyey Dhukumenti ay Xukuumaddu sheegtay inay ku soo koobtay Nuxurka Heshiis aan rasmi ahayn oo ay la gashay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dubai Ports World oo ay sheegtay inay Maalgelinayso Dekedda Berbera.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, oo ka tirsan Mudanayaasha Mucaaradka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiga ay shalay Xildhibaannadu ku ansixiyeen Dhukumentiga loo gudbiyey guddoominayey, waxa uu ku eedeeyey inuu jebiyey Xeer-hoosadkii Wakiillada, isla markaana aanu Sharcigi dhigaynin inuu Cod iyo Dood geliyo Qoraal laga soo dheegay Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera ee ay Xukuumaddu Sabtidii u soo gudbisay oo Aqlabiyadda Golahaasi fadhigii shalay ku meel-mariyeen, waxaanu sheegay waxa ay Xildhibaannada Wakiilladu dhaafsadeen meel-marinta Qoraalkaas.

Xildhibaan Qabille, waxa uu sheegay in Cabdiraxmaan-Cirro ka go’aan-qaadashada Warbixinta Heshiiskaas ay Shalay Wakiilladu ansixiyeen ku kasban lahaa taageerada badbaadada Somaliland iyo inuu sumcad-xumo u soo jiido Golaha iyo Hankiisa siyaasadeed ee la xidhiidha rabitaankiisa hoggaaminta dalka maaddaama oo uu yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo uu sidoo kale Madaxweyne uga sharraxan yahay.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo furitaankii fadhigaas hadal ka jeediyey, waxa uu yidhi; “Horta marka ugu horreysa waxa la innoo keenay heshiis rasmi ah muu ahayn, sidii Xukuumadduba halkan ka sheegtay, heshiis kama dambays ahna maaha, waxa la keenay saddex Dhukumenti, intuba Af-Ingiriisi bay ku qornaayeen, ka u horreeyaa waxa weeye isfahamka heshiiska… Saddexdaa Dhukumenti ee la keenay maaha Dhukumentigii ugu dambeeyey ee Rasmiga ahaa (ee heshiiska), waxa halkan ka muuqata inaan loo qaadanayn Dhukumentiga heshiiskii rasmiga ahaa.”

“Gole-weynaha ayuu go’aanku u yaallaa, waxaan soo jeedinayaa, iyagoo Mudanayaashu ka wakiil ah Shacbiga iyo Danta guud ee  Qaranka, lana codsaday inay waajibkooda ka gutaan. Waxaan soo jeedinaynaa in Cod la geliyo, Codkaasi wuxuu noqonayaa sidaad hore u soo jeediseen heshiiskan oo aan ahayn kii rasmiga ahaa, qodobka labaad ee loo codaynayaa waxa uu noqonayaa in Dhukumentiyadaa lagu ansixiyo sidii lagu keenay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Balse, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, waxa uu ku dooday inaanu Md. Cirro waajibaadkiisii sharci ka gudan Dhukumentigaas Xukuumaddu u soo gudbisay, waxaanu yidhi; “Xukuumadda waxba ka saari maayo, Goluhu hannaan buu leeyahay xidha oo xil iyo waajibaad cad siinaya Mudanaha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Doodda Mudanayaashu way ku duwan tahay ta Geedka hoostiisa, waxay dooddaasi u baahan tahay daliil cad oo Dastuur ah ama Xeer ah.”

“Labada Wasiir xogta dhabta ah inay ka bixiyaan Waraaqahan ay keeneen si wacan bay ugu hagar-baxeen, waxay sheegeen inaanu ahayn Heshiiskii oo dhan inaanu ahayn ee uu yahay Nuxur laga soo dheegay sida ku cad qodobka 53-aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland Farqaddiisa 3-aad mar haddii heshiis caalami ah ay sheegeen inaanu heshiiskii oo dhan ahayn waxay ahayd inuu sidiisa ku celiyo Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu, inuu dood galiyana may ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Md. Qabille.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo markii Aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiilladu u codeeyeen shalay in la ansixiyo Warbixinta laga soo dheegay heshiiska wareejinta Dekedda Berbera, barxadda hore ee Golahaas Saxaafadda kula hadlay, ayaa sheegay inay Xukuumaddu dedaashay, isla markaana ku guulaysatay rabitaankeeda oo aanay qarsan gal-daloolada ka muuqatay heshiiskaas loo meel-mariyey.

Mudane Maxamed Faarax Qabille oo ka hadlaya cidda ku ceebaysan meel-marinta heshiiskan, waxa uu yidhi; “Ceebtay Xukuumaddu ku lahayd, Gacanta Golaha Wakiillada ayey ku dhimatay iyo Shirguddoonkooda oo jebiyey Xeer-hoosaadkii Golaha lagu hagayey. Hordhaca uu ka bixiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu furitaankii fadhiga wuu caddeeyey in waxani aanay is-qabanayn, hase-yeesshee, Wasiirradaa innoo sheegay, Wasiirradu Hal-xidhaalahaa way ka dabbaasheen oo been kamay sheegin, Xukuumaddu waxay ogeyd hanka iyo itaalka Golaha, sida Roob Gudgude ah Guri-guri bay u gashay, iyadoon u qarin dhalliisheeda, ayey ku isticmaashay hantidii ay lahayd, waanay ku gamadayoo umanay qarin, waxay yihiinna way tustay.”

“Aqalkan Qol-ku-raagga ah ee weliba sugaya muddo-kordhinta Xukuumaddu inay ku laaluusho ay ugu ballan-qaadday, waxaan filayaa saaka wixii ka dambeeya inaanu sii jiri Karin, fadeexadda ugu weyn iyo eedda ugu weyna uu galay, han siyaasadeed markaad leedahayna waxbaa kuu sii dheer. Saaka arrinkaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu laba ayuu ku kasban lahaa Somaliland badbaadeeda oo uu taageero ku helo iyo inay ku dhintaan isaga iyo Gole-weynihiisu, tay tahayna dadweynaha ayaan weydiinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Qabille, waxaanu sheegay in Ceebta iyo Saamaynta Mustaqbal ee heshiiskaas uga timaadda dadka iyo dalka dul hoganayso Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Muddo-kordhin-sugayaasha ah wakhtigan oo ay fadhiyaan shan sano oo la doortay iyo lix sano oo kale oo dheeraad.

Comments

comments