Shir lagu soo xidhay Degaanka Beer oo ka tirsan Degamada Burco, ayna qabsadeen Beelaha Daahir Faarax, Allamagan Cabdille iyo Xuseen Cabdille, ayaa lagu casuumay saddexda Xisbi Qaran Madaxdooda, waxaana madaxdii ka qayb gashay gunaanadkii shirkaasi isu dusiyeen weedho Duurxul siyaasadeed oo ku arooraayay codaynta doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh.

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mud. Axmed Muumin Seed oo kamid aha Madaxdii lagu marti qaaday ayaa isagoo daba jooga qodob kamid ah bayaankii shirka wuxuu weedho duurxul siyaasadeed u disay dhigiisa Xisbiga KULMIYE ee tartanku ka dhaxeeyo. Balse waxa hadalkii Axmed Muumin Seed ka dibaqaay, Wasiirka Hawlaha Guud Mud. Cali Xasan Maxamed iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Muj: Maxamed Kaahin Axmed, labadan masuul oo labaduba ka soo jeeda qoyska shirka qabsaday Hoos Ka DAAWO Hadaladii lays waydaarsaday.

 

Comments

comments