Somaliland: Ansixintii Dekedda Berbera Magacyada Xildhibaannada Fadhigii Codaynta Ka Baxay, Kuwa Ka Tanaasulay Dooddii Shalay, Inta Diiday Iyo Mudanayaasha Ka Dareeray Oo Sababta Sheegay

Fadhigii shalay ee mudanayaasha golaha wakiilada Soomaaliland ugu ballansanaayeen sii wadista doodda iyo ansixinta heshiiskii dekedda Berbera khuseeyey ee ay xukuumadda Somailand la gashay shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhammaaday in cod aqlabiyad ah lagu ansixiyo heshiiskaas.

Fadhiga shalay oo uu gudoominayey gudoomiyaha golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaa ka muuqatay in uu aad uga deggenaa kii ka horreeyey ee isla arrintan khuseeyey, oo ay 12 xildhibaan dood diidmo, ogolaanshiyo iyo walaac ka muujin isugu jirta ka dhiibteen heshiiska ansixintiisu hor taallay.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii uu furay fadhiga waxa uu golaha ku wargeliyey in Siddeeddii xildhibaan ee uu qorshuhu ahaa in ay fadhiga shalay dooddooda ka dhiibtaan ay ku wargeliyeen in ay ka noqdeen ka qaybgalka dooddaas.

Kadib waa uu guddoomiye Cirro ku wargeliyey qodobbada xoghayntu ka soo samaysay dooddii kalfadhiga, isaga oo sheegay in golaha la horkeenay saddex dhukumanti oo afka Ingiriisiga ku qoran, oo ka hadlaya heshiiska dekedda, balse uu sheegay in aanay ahayn heshiiskii oo dhammaystiran. Isla markaana ay ku caddahay in aanay ahayn dhukumentiyo leh qiimay sharci. Waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Aqlabiyada mudanayaashu waxay soo jeediyeen in xeerkani aanu ahayn kii rasmiga ahaa sidaas darteedna la celiyo mudanayaasha inta kalana waxay soo jeediyeen in sidiisa lagu sii daayo, horta marka ugu horaysa waxa laynoo keenay heshiis rasmiya muu ahayn sidii xukuumaduna halkan  sheegtay, heshiis kama danbays ahna maaha, waxaana la keenay sadex xog mana aha kuwiii ugu danbeeyey ee rasmiga ahaa, waxa kale oo ka muuqata in sadexda xogba ay ku qoran yihiin inaan loo qaadan heshiiskii rasmiga ahaa ee sharciga waafaqsanaa”

Kadib waxa uu golaha oo ay fadhiyeen markaas 74 xildhibaan oo guddoomiyuhu ku jiro u fasaxay in cod la geliyo.

Magacyada xildhibaannada ka noqday dooddii ay shalay ku qornaayeen:

Sida uu Geeska Afrika ogaaday magacyada xildhibaannada dooddii shalay ku qornaa ee ka tanaasulay in ay dhiibtaan ayaa waxa ay kala ahaayeen, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, Xildhibaan Naasir Cali Shire, Xildhibaan Cali Bare Maxamed, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, Xildhibaan Axmed Cabdi kijaandhe, Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii uu waayey xildhibaan ka dooda heshiiska waxa uu mudanayaasha ka codsaday inay cod u qaadaan, waxaana ansixinta heshiiska ogolaaday 69 mudane, waxa diiday 4 mudane,  cid ka aamustayna may jirin gudoomiyuhun muu codayn.

Xildhibaannada Diiday ansixinta heshiiska

Afarta Xildhibaan ee codayntii shalay iyagu diidmada gacanta ugu taagay heshiiska xukuumadda iyo shirkadda DP World waxa ay kala ahaayeen:

Xildhbaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed Wayso Cadde, Xildhibaan Xaamud Gadhcase iyo Xildhibaan Siciid Cartan

Xildhibaannada codaynta ka dareeray iyo dareenkooda

Waa kale oo Geeska Afrika ogaaday magacyada xildhibaannada afarta ahaa ee ka dareeray golaha xilligii codaynta la geliyey heshiiska dekeda Berbera, kuwaas oo kala ahaa; Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, Xildhibaan Axmed Wayse Cade, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Haddaba xildhibaannadan ka baxay fadhigii codaynta ee shalay oo markii dambe dareenkooda arrintaas la xidhiidha iyo sababta ku kalliftay in ay ka baxaan golaha ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo hadalladiisa ay ka mid ahaayeen, “Codayni kamay dhicin golaha, caqliguna muu talin ee maanta caloosha ayaa talisay, waana ayaan daro inala soo daristay, maantana waxa inoo bilaabmay gumaysi cusub, waxaynu ku nool nahay dekedaas ayey ahayd, Somaliland-dernimadeenu waxa saldhig u ahayd dekeda, maantana haddii la wareejiyey iyada oo aan heshiis cad la keenin waa ayaan daro soomaaliland la soo daristay.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ayaa isaguna dhiniciisa ka hadlay sida uu u arko ansixinta heshiiskan waxaanu yidhi, “Haddii gacanta loo galiyey dekedda Berbera shirkad masiirkii umaddu meesha wuu ka baxayaa, cid gaar ah ayaana dan ka leh ee marnaba danta qaranka lama eegayo, markaas aniga oo eegaya danta dadkayga waxaan ka baxay fadhiga golaha, waxaanad mooday inay wax kale socdeen markii golaha la yimid, xildhibaanadii dooda ku qornaana way ka baxeen, waxaana lagu soo yidhi doodda ka baxa, markaas wax la soo qorsheeyey ayey ahayd.”

Xildhibaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raaciyey “Anigu mawqifkaygii ayaan ku taagnaa, waxaanan sheegay in nala horkeenay waraaqo cad cad oo la soo mal maluuqay balse heshiiskii rasmiga ahaa aanu ahayn, manay ahayn in la ansixiyo ee waxay ahayd in wax laga beddelo, heshiiskii kalana waa nalaga qariyey sababta nalooga qariyeyna garan maayo”

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo iyaguna ka hadlay sababaha ay u diideen ansixinta heshiiskan ayaa waxay tilmaameen inaanu dan u ahayn guud ahaan umada somaliland.

Comments

comments