Somaliland: Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Codsaday In Golaha Looga Yeedho Xirsi, Maxamed Biixi Iyo Cali Xoor-Xoor Iyo Sababta Uu U Doonayo

553

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa dood adag oo ku saabsan heshiiska dekeda berbera ee horyaala golaha wakiilada somaliland ka dhiibtay fadhigii ay shalay yeesheen mudanayaasha golahaasi.

Xildhibaan Cabdiqaadir ayaa waxa uu sheegay inaan golaha la horkeenin heshiiskii rasmiga ahaa balse ay xukuumadu ka doonayso ruqsad ay ku gasho heshiiska waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumadu heshiis ay la galayso  shirkad ama dawlad way soo galaysaa  laakiin golaha ruqsad ugama baahna, imikana waxa laynoo keenay oo layna waydiisanayaa ruqsad heshiiska lagu soo galo, ruqsadii ayaa la leeyahay ogolaada kana heshiiskii maaha, taasna xaq uma lihin, golahani  waxa uu xaq u leeyahay  heshiis lagu heshiiyey oo wada saxeexan oo dhamaystiran oo  farsamadii u dhan tahay in  la horkeeno, goluhuna waxa uu xaq u leeyahay inuu yeelo ama diido mana guda galayo oo waxba ka badali maayo, waxaanan cadaynayaa in heshiiskii maqan yahay waxan laynoo keenayna aanu heshiis ahayn laakiin waxaanu dadka u sheegaynaa inaan loo qaadan inaanu heshiiskii ansixinayno, waxaanu ansixinaynaa ruqsadii heshiiska lagu galilahaa ama aynu ku dhiirano ama aynu ka gaabino.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa uu xukuumada uu masuuliyiinta xukuumada ee heshiiska horkeenay ku eedeeyey inaanay warbixin ka keenin wadamadii ay shirkadu ku fashilantay inay dekedahooda maal galiso, balse ay ka warameen guulaha shirkada waxaanu yidhi “Aniga oo tixraacaya hadalkii wasiirada waxay inoo sheegeen oo waliba Wasiir Sacad cadeeyey inay shirkada DP World  wadamo badan oo caalamka ka shaqayso , wuxuu inoo sheegay miisaaniyadeeda iyo guulaha ay gaadhay laakiinse meelaha khasaaruhu ka dhacay inoomuu sheegin, waana  inaynu labadaba ogaano waxay ku fashilantay iyo waxay ku guulaysatayba,  waxaynu haynaa mandaqadeenan laba  dekedood oo labada laga saaray shirkadaas midi waa Djabouti midina waa yemen, golahani waxa uu xaq u leeyahay inuu ogaado waxa yemen, Senegal iyo Djabouti looga saaray shirkada, macluumaadkaana in naloo keeno  ayaanu codsanaynaa si aanu ugu darno talada, wasiiradu waxay ka dhawaajiyeen inaynaan khibrad u lahayn heshiisyada noocaas ah waxa kale oo ay wasiiradu inoo sheegeen inay soo kireeyeen laba shirkadood , labada shirkadood midna warbixintooda laynooma keenin xaqna waynu u leenahay, labada shirkadoodna waa  kuwii  ka soo taliyey arintan taladiina xaq ayaanu u leenahay in naloo keeno.”

Sidoo kale xildhibaan Cabdiqadir Jirde waxa sheegay inay waajib tahay in golaha la horkeeno maareeyaha dekeda Berbera si wax looga waydiiyo sababta loo isticmaalay saxeexiisa waxaanu yidhi “Waxa kale oo jirta dad xogogaal ah oo dalkeena u dhashay oo heshiisyada qaar ka soo qayb galay, waxa horteena fadhiyey  maareeyihii dekeda oo la yidhi muxuu u saxeexi waayey heshiiska,  isaguna kamuu jawaabina wasiir ayaa ka jawaabay, waxaanan u baahanahay Cali Xoor Xoor in naloo keeno oo uu ka waramo waxa uu u saxeexi waayey halkii uu isagu lahaa ee uu u saxeexay Maxamed Muuse Abees.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa uu sheegay in  loo baahan yahay in golaha looga yeedho wasiiradii hore ee Madaxtooyada iyo Arimaha dibada si golaha wakiiladu u ogaado xog uu sheegay inay hayaan “Waxa kale oo jira dhawr shirkadood oo aynu  hore heshiis ula galnay, ragii shirkadahaas heshiiska la soo galay ayaa maanta dalkeena jooga oo maanta  nool, waxa ka mid ah wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa ka mid ah  wasiirkii hore ee arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo ka mid ah Maareeye Cali Xoor Xoor sadexdaas nina waa in golaha la keeno  oo aanu su,aalo waydiino  ayaanu xaq u leenahay, waa niman muwaadiniin ah, niman soomaaliland cadaw u ah maaha waa niman soomaaliland danaynaya golahana xaq ayuu u leeyahay inuu ogaado xogta ay hayaan.”

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa uu xukuumada ku eedeeyey inaanay golaha horkeenin daraasada ay  samaysay oo ku saabsan faa,iidada heshiiskani leeyahay waxaanu yidhi “Mashaariicda intaas leeg ee malaayiinta doolar ku baxayso hawada lagama soo qabsado waxa ka horeeya daraasad, waxa ka horeeya inay daraasadu sheegto  dhaqaalaha aynu filayno halka uu taagan  yahay, waxaa ka horeeya baahida dekedu sida ay u korayso iyo ganacsigeenu ilaa halka uu  gaadhayo, ma koonfurta Suudaan ayeynu ku xisaabtamaynaa ma Rwanda iyo Burundi ayeynu ku xisaabtamaynaa mise waynu sii dhaafaynaa, wadooyin ayaa ka dhasha, daraasadaasina meesha way ka maqan tahay, waxa ay shirkadu ku salaysay mashruucana inama hor yaalo, mana qaadan karno wax duuduub ah.”

Comments

comments