Somaliland: Oo Kamid Noqotay Lix Dal Oo Lagu Marti Qaaday Shir Caalami Ah Oo Ka Qabsoomaya Kenya Iyo Ujeedada Shirkaasi Ku Saabsan Yahay

War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray ururka fadhigiisu yahay magaalada Steenberg ee dalka koonfur Africa ee Eastern Africa Power Pool loona soo gaabiyo (EAPP) ayaa shaaciyay inay 21 ilaa 22 bishan 9-aad ee sanadkan aynu ku guda jirno uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabanayaan shirwaynihii caalamiga ahaa oo lagu falan qayn doono kobcinta iyo horumarka arimaha tamarta ,macdanta,korontada iyo waliba fursadaha maal gashi ee ka jira dalalka bariga Africa ku yaala ,waxaaana kamid ah lixda wadan ee shirkaasi lagu marti qaaday inay kasoo qayb galaan  bisha soo socota dalalka Kenya,Somaliland,South Sudan,Sudan,Tanzania iyo Uganda oo si rasmi ah loogu marti qaaday inay shirkan caalamiga ah ka faa’idaystaan muddada uu socdo.

Shirwaynahan caalamiga ah ee loo qaban doono lixda dal ee barig Africa ku yaala ,waxa ajandaha shirka oo sanadkan halku dhigiisu yahay “East African Power Industry Convention(Master Plan) lagag hadlaya arimaha ay ka midka yihiin Macdanta,biyaha,tamarta iyo waliba korontada, waxaa magacyadoodu ay kala yihiin madaxda ka kala socota lixda dal ee lagu marti qaaday shirkani sida tan.

  • Wasiirka macdanta iyo dhaamamka ee koonfurta Sudan Dr Dheu Mathouk Diig
  • Wasiirka macdanta iyo harumarinta khayraadka biyaha Uganda Hon Irene Mulone
  • Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda macdanta iyo biyaha Tanzania Prof Justin William Ntalikwa
  • Xoghayaha maamulaha guud ee wasaarada macdanta iyo baadroolka Kenya Dr Joseph Njoroge
  • Wasiiru dawlaha khayraadka biyaha iyo korontada Sudan Dr Maxamed Axmed Sirad iyo wadanka lixaad oo ah
  • jamhuuriyada Somaliland ah oo uu uga qayb galayo gudoomiyaha guud ee shirkadda laydhka burco ee HECO Maxamuud Axmed Liibaan oo sidoo kalena matalaya wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland isla markaana marti qaadka lagu shaaciyay inuu kamid noqon doono madaxda shirkaasi caalamiga ah hadalka kasoo jeedin doona.

Waxa hadalo fursadaha kala duwan ee dalalkooda ka jira soo jeedin doona mudada uu socdo shirkan calamiga ah oo ah laba maalmood oo ku astaysan 21 ilaa 22 bisha soo socota ayaa dalalka bariga Africa ku yaala lagu saaciday in halkaasi danahooda fursadaha ee kala duwan ee ka jira dalalkooda ku lafo guraan,isla markaana ay kusoo bandhigi doonaan wakiilada madaxda lixda dal ee aynu kor ku xusnay ka kala socda inuu mid walbaaba uu soo bandhigi doono fursadaha dhinacyada wershadaha ,tamarta macdanta ,korontada laydhka ee dalkiisa ka jirta sida looga faa’idaysto iyo waliba dal kastaaba waxa uu u baahan yahay in wax looga qabto.

 

Comments

comments

SHARE