Somaliland: Oo Isha Ku Haya Talaabada Xigi Doonta Ansixintii Golaha Wakiilada Ee Maalgashiga DP World.

Dadweynaha rer Somaliland, ayaa siweyn isha ugu haya waxa xigi doona Ansixinta Golaha Wakiiladu codka aqlabiyada ah ugu ansixiyeen Maalgashiga Sherkada rer Imaraad ee DP World ku maalgalinayso Marsada Dekeda Berbera.

Doodo kala duwan oo todobaadyadii u danbeeyay bulshada dhexdeeda ku baahay iyo Golaha Wakiilada oo faqidaad ka yeeshay mashrucaas ayay ugu danbayntii maanta 69 Xildhibaan u codeyeen inay Xukuumaddu heshiiskaas la gasho DP World.

Balse dadweynaha rer Somaliland ayaa si taxadir leh u dhawraaya talabada ansixinta Golaha Wakiilada kadib xigidoonta, iyagoo maanta ku haya mashruucyadii maalgashi ee Sherkadaha Shidaalka oo ku saqiiray gacanta qandaraasyo la bidix togaaleyay, waxayna dadweynuhu is waydiinayaan Maalgashiga DP World ma dariiqi shidaalku ku hagaasay ayuu mari doona mise wuxuu noqon doona mid si cadaana oo bayaana bulshada loola socod siiyo, si faa’iidooyinkii tirada badnaa ee Xukuumaddu tirinaysay ummaddu uga hesho.

Si kastaba ha ahaate cid kasta oo la socotay Maalgashiga Marsada Berbera waxay si taxadir leh u dhawrayaan siduu xaalku ku danbayn doono.

Comments

comments