Xidlhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee wakhtigan taageera Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa weedho kulul ku weeraray Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo markaas dhinac taagnaa, isla markaana ka tirsan Xildhibaannada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Golahaas ugu jira, kaasoo uu ku tilmaamay Mudane aan dal iyo dad toona ka firirayn.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo daba socday hadal uu Mudane Nacnac ku sheegay Axaddii inay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu aqlabiyad aan hore loo arag ku ansixin doonaan heshiiska wareejinta Dekedda Berbera, isla markaana aanay saamayn ku yeelan doonin Xildhibaannada ka soo horjeeda oo uu ku tilmaamay inay yihiin afar markii Xukuumaddu bilaabaysay samaynta Waddada Ceerigaabo ka soo horjeeday, ayaa isagoo la hadlaya warbaahinta weedhahan ku tuuray Xil. Nacnac, oo taagnaa dhiniciisa.

“Dalkii waa la haystaa, Nacnac, qaylo iyo waxaa Madaxtooyada ku jiraa haysta, waad maqlayseen oo wuxu leeyahay waa la ansixinayaa (heshiiska wareejinta Dekedda), ikhtiyaarba Golihii ma siin, Sharciyaddii dhammayd buu ka soo horjeedaa, afduub baannu ku jirraa. Waxaan idiin sheegayaa reer Somaliland-noow horta Illaahay ayuun baad leedihiin maanta, wax allaale wax kale oo idiin hadhay ma jiraan, Golayaal idiin hadhay ma jiraan, Xukuumad idiin nooli ma jirto, dad qawlaysato ah oo ka shaqaysanaya oo aan u shaqaynayn ayaa ina qabsaday.” ayuu yidhi Xil. Siciid Cilmi Rooble.

Wuxuu intaa ku sii ladhay isagoo toos ula hadlaya Xil. Nacnac oo uu ku yidhi;“Ka inna xukumi doonaa waa Illaahay, waana baaqi mana dhimanayo, nin walibana godkii yaraa ee aad garanayso Nacnacoow ayaa la gelinayaa, hadhawto waad halmaami doontaa marka lagu yidhaahdo Man Rabbuka (Illaahaagu waa kuma)? Siilaanyo, (Man Nebiyuka (Nebigaagu waa kuma)? Siilaanyo ha odhannin. Horta, Ninkaasi (Nacnac) halkaas ayuun buu ku dambayn doonaan, Shacbigana waxaan leeyahay dee waad aragtaan.”

 

Comments

comments