Somaliland: Guddoomiyaha Muuse Biixi Oo Ka Qaybgalay Xidhitaanka Shirka Guul Iyo Gobonimo Oo Lagu Qabtay Deegaanka Beer+SAWIRRO

375

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ka qaybgalay xidhitaanka shirka Guul iyo Gobonimo ee beelaha Daahir Faarax, Alla-magan Cabdille iyo Xuseen Cabdille uga socday dooxa Beer ee Gobolka Togdheer muddo shan iyo toban maalmood ah, kaasi oo halkaasi lagu soo gunnaanaday maanta.

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay qayb ka yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi-dheere iyo saraakiil saresare oo ka socda xisbal-xaakimka Somalialnd, ayaa ka qaybgalay gunnaanadka shirkaasi Guul iyo Gobonimo oo sidoo kale ay ka goob-joog ka ahaayeen wasiirro xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), Wasiirul-dawlaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdirashiid Riyo-raac iyo weliba madaxdhaqameed fara badan.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa ka hor intii aanay gaadhin goobta shirku ka socday waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Yiroowe iyo Beer oo lagu qaabilay Fardo iyo caleemo-qoyan.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, ayaa bogaadiyey shirkan Guul iyo Gobonimo iyo qodobada ka soo baxay, isagoo uga mahadnaqay madaxdhaqameedka beelaha shirku u socday taageerada ay u muujiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE oo qodobadii ka soo baxay shirka mid ka mid ah lagu shaaciyey arrintaasi.
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna sheegay inay marka horeba filayeen in go’aamo qaangaadh ahi kasoo bixi doonaan shirka beelaha Daahir Faraax, Alla Magan Cabdille iyo Xuseen Cabdille.

16 25 35 54 63 71 91 muuse Biixi 132 161 91maxamed kaahin

Comments

comments

SHARE