War Deg Deg Ah: Cali Khaliif Galaydh oo Isku day Dil ka Badbaaday Iyo Askarigi iaalin Jiray Oo La Dilay

633
Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

Cali Khaliif Oo La Siyay Jaanis Yar Oo Kaga Baxo Buuhoodle Iyo Arrimaha Shacabka Khaatumo Oo Burburiyay Gurigi Cali Khaliif Iyado La ShegayInay Ku Dhiintaan Ilaaliyihi Cali Khaliif Oo Ciidan Khaatumo Ah Soo Warareen Sida aanu hayno shabkada Wararka Waraganenews

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa lagu amray inuu muddo 12 saacadood uga baxo degmada Buuhoodle, kadib markii lagu eedeeyay inuu  xidhiidh la sameeyey  dawlada Somaliland.

Taliyaha Booliska degmada Buuhoodle C/fataax Gees-diid ayaa ku wargeliyay Isimada iyo shacabka Buuhoodle inay sida ugu dhaqsiyaha badan Cali Khaliif uga saaraan Buuhoodle, hadii kale wixii dhaca ay mas’uul ka yihiin.

“Dhamaan shacabweynaha reer Buuhoodle iyo Isimada waxaan u sheegeynaa in Cali Khaliif iyo Siyaasada taagta daran ee hada fashilantay uu wado hadii 12 saacadood gudahood kaga kaxeyn Buuhoodle wallaahi wax ka bedelan baa arkeysaan, wixii halkaas ka yimaada idinka ayaa mas’uul ka ah”ayuu yiri Taliyaha Booliska Buuhoodle.

Waxaa uu ku eedeeyay Cali Khaliif inuu saaxib dhow ah yihiin Madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu hada u socdo sida uu yidhi.

“Cali Khaliif wuxuu cadeeyay in Somaliland saaxib yihiin in xidhiidh u socday, in Siilaanyo ay saaxib yihiin, maxaa reer Buuhoodle ku iibsadeen xasuuqii, Buuhoodle waxaa nala leh nin Dhulbahante xalaal ah” ayuu yidhi Taliyaha oo muujiyay sida uu uga soo horjeedo wada hadalka u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeydh  ayaa wareysi uu siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in wada hadalo u socdaan maamulkiisa iyo Maamulka Somaliland, kaasoo looga hadlayo sidii nabad lagu wada noolaan lahaayeen dadka degan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Warganenews

Comments

comments

SHARE