Somaliland: “Wuxu Yidhi Ahn Macalin Gaariye: Haadkii Duuli Jiray Waa Ka DuuDuubay Samadii Waxa Helay Dayuurado Deja Baalashii Yidhi” Cali Guray

219

Wuxu yidhi AHN Macalin Gaariye:
HAADKII DUULI JIRAY WAA
KA DUUDUUBAY SAMADII
WAXA HELAY DAYUURADO
DEJA BAALASHII YIDHI

Cali Khaliif Galaydh saaka wuu hadlay. Walee laysku soo korodh oo Reerkii Dhulbahante ahaa oo oodihiisii wataa ina soo dul fadhiisay waana raacdo oo raad bay ku joogaan raadkiina halkii baadidiisu ku maqnayd iyo Somaliland buu la soo galay.
Reer Burco iyo Reer Hargaysa iyo Reer Boorameba waxan leeyahay KA KACAAY KA KAACAAY LAYSKU SOO KORODHYEEY. Nin ka naxa iyo nin ku farxaba waa la is hayaa irbadna la isaga tegi maayo eh diyaargarooba. Bililiqadii mood iyo nool dhulka iska dhiga Awood Qaybsigii baa ugu horeeya oo intoodii lagu kala tegay Soomaaliduna waxay tidhaahdaa AMAANO KUGU RAAGTAY INAAD LEEDAHAY BAAD MOODAA.

Comments

comments

SHARE