Somaliland: Qaar Ka Mid Ah Xildhibaan Golaha Guurtida Oo Qayrul Dastuuri Ku Sheegay In Golaha Wakiiladdu Keligii Farta U Taagaan Ansixinta Heshiiska Dp-World

192

“Arrinka Dhaqaalaha Iyo Xaalka Hoose Golaha Wakiiladda Ayaa Leh, Laakiin Rasmi Ahaan Ansixintiisa Waa Waajib Labada Gole…”

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Odayaasha Somaliland (Guurtida) ayaa si adag uga hadlay heshiiska Shirkada Dp-World iyo Xukuumadda wada galeen ee loo gudbiyay Ansixintiisa Golaha Wakiiladda,Waxa ay ku tilmaameen Sharci daro in Golaha Wakiiladdu keligood ka doodaan oo ay Ansixiyaan iyagoon la fadhiyin Golaha Guurtiddu, waxaana ay sheegeen in heshiiskaasi Sharci ahaan ay Ansixintiisa wada leeyihiin fadhi weyne ay labada gole yeeshaan,waxaanay Arintaasi masuuliyadeeda dusha uga rideen Xukuumadda.
Mudanayaashan oo Shalay la hadlay Wariye Badri Koosaar Maxamed Oo Ka Hawlgala Muuq baahiyaha Star Tv ayaa waxa ay sharci ahaan u daadafiyeen in Golaha Wakiiladdu keligood isku koobaan Ansixinta Heshiiskaasi,waxaana hadaladooda ka mid ahaa“Dastoorka laftigiisa ayaa sheegaya labada Gole Baarlamaan Waxay wada leeyihiin Fadhiyada,waxaana ka mid ah Fadhiyadaasi,Fadhiyada Guud,Heshiis Goboleedyada,Waxa ku jira Heshiiska Calamiga ah ee Maalgashiga,Distoorka ayaa Qeexaya Sinaba uma Hirgali Doono,Markaa Khasab ayay ku tahay inay Soo mariyaan Guurtida,Haday Doonayaan inuu Hirgalo weeyi”.
Waxa kale oo ay Xukuumadda ugu hanjabeen Dastuur jabin haddii ay heshiiskaasi sidaasi ku sii wado,iyagoo masuuliyadda talabadaasina dusha u saaray Madaxweynaha“Anigu waxaan ku leeyahay Waa Distoor Jabin hadii uu golaha Guurtida Heshiiskaasi iman waayo,Distoorka ayay jabisay Xukuumaddu,Madaxweynuhu waliba isaga ayaa ka masuul ah dalka,Golaha Wakiiladuna Hadii ay sidoodaasi ku wataan iyaga laftooduna Dastuurka ayay jabiyeen,Heshiiskani Waa heshiis dekedeed,Waa heshiis Caalami ah,Arinka Dhaqaalaha iyo Faahintiisa hoose Golaha wakiiladda ayaa shaqo ku leh laakiin rasmi ahaan Cidda ansixinaysaa Waa labada Gole oo si wada jir ah uga Dooda,marka la ansixiyo ayay Faah faahinta gali karaan iyagu,oo faah faahintiisa iyo Wixii farsamo ah leeyihii iyagu”.
Lama garanayo Sababta Wakhtigan ka qaylisiisay Mudanayaasha Golaha Guurtida iyadoo sharci ahaan uu heshiiskaasi soo mari doono marka ay ka soo faraxashaan Golaha Wakiiladdu.Xildhibaanadan u hadlayay Shalay Golaha Guurtida ayaa waxa laga dareemayay inay deg degsanayaan Heshiiska iyo in Golahooda lagu soo horaysiiyo waxaanay taasi kuu iftiiminaysaa sida ay Goleyaashii Sharci dejintu ugu Hanqal taagayaan ee ay ugu mabeen Waxa loogu yeedho Dhaameelka ama Bakhshiiska ay Qaataan marka heshiisyo Noocani oo kale la soo mariyo.

Comments

comments

SHARE