Somaliland: Wasiirka Waxbarashada Oo Shaqadii Ka Joojiyay Agaasimihii Guud Ee Wasaarada+Sababaha Shaqada Looga Joojiyay Iyo Ciidamada Ilaalada Wasaarada Oo La Sheegay Inay Kadinka Ka Celiyeen Agaasimaha

399

Wararka nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland mudane Cabdilaahi Ibraahin Habane (Cabdilaahij Dheere) uu shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaarada waxbarshada Somaliland mudane Abiib Axmed Cali.

Waxaana sida naloo sheegay shaqo joojinta agaasimuhu ku timi kadib markii uu agaasimuhu hakad galiyay sida naloo sheegay hawl maalmeedka shaqo ee wasaarada,taasi oo aad uga cadhooday wasiirku.

Waxaana uu wasiirku agaasimaha warqad uu u qoray ku war-galiyay inuu shaqo joojin ku sameeyey,waxaana arinkaasi shaqo joojinta ah aad uga cadhooday agaasimaha.

Sidoo kale warar xog-ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in askarta ilaalada wasaaradu ay albaabka ka celiyeen agaasimaha iyaga oo u diiday inuu soo galo kadib markii wasiirku ku wargaliyay ciidanka in shaqo joojin lagu sameeyey ilaa inta uu go’aan danbe kasoo saarayo.

Ujeedada ugu wayn ee agaasimaha wasaarada waxbarashada Somaliland shaqada looga joojiyay ayaa ah kadib markii sida la sheegay uu hakad galiyay hawl maalmeedkii shaqo ee wasaarada.

Gabagabadii Ilaa hadda labada dhinac midkoodna kama hadal arinkani shaqo joojinta ah,waxaana khilaafkan soo kala dhex galay agaasimaha iyo wasiirkuna  noqonayaa mid ugub ah.

Comments

comments