Somaliland: Shirka Beelaha GARXAJIS Oo La Iclaamiyay Goobta Iyo Goorta La Qabanayo.

483

Cuqaasha , Saladiinta iyo wax garadka beelaha dega koonfurta magaalada Hargeysa iyo galbeedka magaalada Burco oo maanta kulan wada jir ah iskugu yimid Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay si rasmi ah uu dhawaaqeen wakhtiga uu furmi doono shir ay mudooyinkii ugu danbeeyey ay qaban qaabidiisa wadeen.

Shirkan oo ah mid ay ku magacabeen shir weynaha beesha (Garxaajis) ayaa waxaa ay saladiinta iyo cuqaashani ay sheegen in u furmi doonoo 13.08.2016 oo ku beegan maalinta sabtida ah

Waxaa se xusid mudan cuqaashan iyo saladiintan shirka ku dhawaaqey in aana si rasmi ah u shaacin goobta uu shirkani ka furmi doono ama uu ka qabsoomi doono

Xukuumada Somaliland iyo xisbiga Kulmiye ayaa la sheegaya in shirkani uu cabsi xoogan ku hayo isla markaana ay ka baqanayaan in ay ka soo baxo midow dhinca doorashada musharaxa madaxweyne oo ka dhexeeya beelaha galbeedka Burco iyo koonurta Hargeysa oo wiiqi kara awooda xisbiga Kulmiye ka filaanyo in uu helo wakhtiga doorashada labadan beelood.

Comments

comments

SHARE