Somaliland: Nuxurka Kulan Borama Ku Dhex Maray Xubno Wasiiro Ah Oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Iyo Odayaal-dhaqameedka Gobolka Awdal

675

Wafti ka socda golaha wasiiradda Somaliland iyo xubno ka tirsan salaadiinta gobolka awdal ayaa la sheegayaa inay magaalada borama ku yeesheen kulan ay albaabadu u xidhnaayeen.

Waxaana waftigan wasiirada ah horkacayay wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Dheere,waxaanay ka koobnaayeen wasiirka xidhiidhka golayaasha, wasiirka ciyaaraha iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka .

Kulankan oo ay fooda isku dareen xubnahan wasiirada ah iyo madax-dhaqameedkani ayaa ilo ka agdhawaa kulanku ay sheegeen in lagaga hadlay sidii ay doorasho uga dhici lahayd lix goobood oo ku teedsan bariga degmada Lughaya,kuwaasi oo intii ay Somaliland jirtayba aanay doorasho ka dhicin markii looga shakiyay xaalad amaan darro.

Inkaste oo aan xubnahan wasiirada ah iyo odayaal-dhaqameedka gobolka ee kulanku dhex maray aanay labada midkoodna ka hadal natiijada kasoo baxday kulankooda iyo qodobada ay kawada hadleen,hase’yeeshee dooda ka taagan natiijada wada hadaladaasi ayaa la sheegayaa inay labada dhinac aad ugu kala fogaayeen sidii loo meel marin lahaa go’aan wada jir ah oo ku saabsan mustaqbalka goobahaasi xidhan ee aan doorashadu ka dhicin.

Waftigan wasiirada ah ayaa wararka qaarkood sheegayaan in odayaasha u sheegeen in socdaalkoodu yahay uun xog-waraysi balse aanay wax farriin ah ka sidan xukumadda ay ka tirsan yihiin,taasina ay keentay inay odayaashuna ay dib u liqaan fariin adag oo ay jeclaayeen inay la wadaagaan wasiirada.

Ilaa hadda lama garnayo natiijada rasmiga ah ee uu kusoo dhamaaday kulankaasi ay magaalada borama ku wada yeesheen xubnaha wasiirada ah iyo odayaal dhaqameedka gobolka awdal.

 

Comments

comments

SHARE