Somaliland: Maareeyaha Madaarka Hargeysa iyo Ku-xigeenkiisa oo isku Dilay Muqumad

Maareeyaha  Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee  Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Ku-xigeenkiisa ayaa Shalay Gacanta iskula tagay ka dib markii ay isku Khilaafeen Alaab uu sitay Ugaaska Guud ee Beelaha Arab oo shalay dalka ka dhoofayey, Alaabtaasi oo la sheegay in ay ahayd Joog Muqumad ah.

Maareeyaha ayaa la sheegay in uu Amar ku bixiyey in laga reebo joogaasi Muqumaqada Ugaaska guud ee Beelaha Arab, Balse warar Xogogaal ah ayaa la sheegaya in Labbada Masuul amarkaasi isku maandhaafeen isla markana isla markana  uu dhex maray gacan ka hadal kaasi oo sababay in ay nabar isgaadhsiiyan.

Dad Goob joog ahaa oo Saylamedia xog-tan ka heshay ayaa sheegay in Maareeye ku-xigeenku ku dooday in qaar ka mid ah dadku la dhoofan Muqumada oo aan laga reebin.

Comments

comments

SHARE