Somaliland: Laamaha Amaanka oo Xoriyadiisii u Celiyay Suldaan Cali Saleebaan oo loo xidhay Arrimaha Gobolka Saaxil

Laamaha Amaanka Somaliland, ayaa maanta duhur saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa kasii daayay Suldaan Cali Saleebaan oo 10 cisho ku xidhnaa saldhigaas.

Suldaanka waxaa ay haayadaha amaanku ku eedeeyeen inuu waday qorshayaal lagu kicinayo shacabka degan Gobolka Saaxil kuwaasi oo aad uga soo horjeeday wareejinta Dekada Berbera.

Shacabka Degan Gobolka Saaxil ayaa kaso horjeestay heshiis ay xukuummadu la gashey Shirkada Dp World,  kuwaasi oo markii dambe ku dhawaaqay shir ay kaga tashanayaan danaha Beealaha Degan Gobolkaas.

Xukuummada Madaxwayne Siilaanyo, ayaa ka hortimid shirkaasi ay ku baaqeen beelaha degan Gobolkaasi, kaasi oo markii dambe loo xidhxidhay shacab uu ka mid yahay suldaan Cali Saleebaan.

Laamaha amaanka Somaliland ayaa maanta wax war kasoo saarin sii daynta Suldaan balse waxaa lala xidhiidhinayaa Sii deyntiisa  in xukuummada Somaliland ay ogolaatay shirkii uu qaban qaabinayay suldaankaasi ee markii hore lagu xidhay.

 

Comments

comments

SHARE