Xildhibaan Nac Nac Oo Iftiimiyay Bisayl Badan Oo Ka Muuqda Ansixinta Heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera Oo Golaha Horyaalla

Xildhibaan Axmed Diiriye “Nac Nac” oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, gaar ahaan mudanayaasha galan gaalkan dhaw la leh Madaxtooyadda Somaliland ayaa nidar ku galay in maanta ay Golahoodu taariikh ka dhigi doonaan Ansixinta Heshiiska horyaala ee Wareejinta Dekeda Berbera,Waxa uu carabka ku adkeeyay in Sideetan Mudane tiro kabadani Xildibaanadooda ay codka ogolaanshiyaha siindoonaan Heshiiskani sidaa dateedna uu ku rajo wayn yahay inaanay Cidna ka aamusin islamarkaana aanay cidna diidi doonin Golahooda.
Xildhibaan Nac Nac oo Shalay Xarunta Golaha Wakiilada kula hadlay Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si wayn ugu faanay in Heshiiskaasi uu Ogolaanshiyo buuxa ka helayo Maanta Golahooda,waxa kale oo uu hanjabaad u diray Qaar uu sheegay inay Xukuumadda Mucaarid ku yihiin oo aanu Carab dhabin laakiin uu tibaaxay inay ka soo horjeedeen Bilaabistii Jidka Weyn ee Ceerigaanbo,waxaana uu yidhi“Hawsho Meel wanaagsan ayay maraysaa Qofkasta oo muwaadin ah oo reer Somaliland ah,oo Somaliland ka naxayaaba waa uu ku farxayaa xiitaa soo Hadal qaadkiisa heshiiskani,Waa la ansixinayaa,Waxaanu ku ansixin doonaa oo aad arki doontaan,Waxaan waligee Heshiis hore loogu ansixin,Afarta qaarkood ka xanaaqi jiray Waddada Ceerigaabo markii aanu bilaabaynay Waxba naga qaadi maayaan,Waligaa Axmadaw Ha i odhan,haddii heshiiskani lagu ansixin waayo in kabadan Codadka 80 –Xildhibaan,Xitaa Nac Nac ha iigu yeedhina” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.
Xildhibaan Nac Nac ayaa waxa uu ka mid yahay Mudanayaasha aadka ugu ololeeya Xukuumadda ee aan wali lagu arag Erayo ka soo horjeeda Xukuumadda uu gadh wadeenka yahay Madaxweyne Siilaanyo. Waxa hadalkiisa ka muuqata kalsooni badan oo uu ku qabo meel marka Heshiiskaasi Iyo Xog badan oo uu ka hayo dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo uu sheegay inay SI rasmi ah dhamaan isku diyaariyeen Ansixinta Heshiiskaasi.

Comments

comments

SHARE