Somaliland: Cali-Gurray Oo Sheegay In Xildhibaanadda Kasoo Hor-Jeeda Dekadda BERBERA Ay Iskugu Jiraan Xisbi Mucaarad Ah Iyo Qaar KULMIYE Ka Tirsan Oo Wax-War Ah Loo Sheegin.

Xildhibaanada sida ba’an uga soo horjeeda Mashruuca Maalgashiga Dekedda Berbera bal qof qof u eega ha ila yaabina uun eh. Waxay ka soo wada jeedaan xisbi keliya waana shakhsiyaad ee xataa intii badnayd ee mucaaridka ahayd xaga hore ismay soo dhigin ee malaha waa raacyada dambe. Waxan is idhi Gudoomiyaha Wakiiladu maadaama uu isla markaana yahay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI oo si shakhsi ah isagu ula kulmay Madaxda Sare ee DP World oo dabcan uu si gaar ah ugala sheekaystay Mashruucan malaha hoos buu ugu waramay oo wax aan lala ogayn bay ogyihiin. Lakiin wixii ay keligood ogyihiin ee aan lala ogayn iyaga ayuun baa ku go’aan qaadan kara ee inta aan waxba la ogayn xisaabta uguma jirto Kulankii Gudoomiye Cirro iyo Madaxda DP World iyo wixii uga baxay Gudoomiyaha ee laga yaabo inu hoos ugu waramay saaxiibadiisa daacadda u ah. Sirtaasi hadii ay jirto aniga way iga maqan tahay.

Dhinaca xukuumadda lafteeda dadka looma wada waramine waa loo kala waramay oo qaar baa hoos loogu sii waramay oo dhgta wax loo saar saaray. Inta aan labada war ee xogogaalka u ah sheekada DP World aan midna helin sidayda ha la yaabina iyaga laftoodu ma indho la’a eh. Hadii aanay war buuxa hayn qaar waxa ku jira wax ku weelaysan kara inta yar ey bowsadeen aqoontooda iyo waayo aragnimadooda oo marka inta yar ey bowsadaan iyo macluumaadka badan ay hayeen iyo khibradooda ilays uga dhigtaan sida tooshka ugu arki kara run Ka daboolayd oo aan cid u sheegtay jirin lakiin ay heleen iyadoo xaalkoodu yahay WAX HA LAGUU SHEEGO EH MAANKAAGA LA KAASHO. Dadka wax badan ogi uma baahna in wax walba loo sheego ee taana xisaabta ha lagu darsado

Comments

comments