Liverpool Oo Wembley Dhex Jiid Jiiday Kooxda Barcelona, Jurgen Klopp & Kooxdiisa Reds Oo Wacdaro Layaableh Muujiyay Iyo Messi, Suarez Iyo Asxaabtooda Barca Oo Ceeb Kala Kulantay Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa Wembley Stadium ku dubatay kooxda koobka horyaalka Spain ee La Ligaha haysta ee Barcelona kulan xiiso iyo xamaasad badnaa oo kooxda Klopp ay ku soo badhigtay qaab ciyaareed cajiib ah. Liverpool ayaa guushan ku gaadhay 4:0 iyada Sadio Mane, Origi iyo Marko Grujic ayaa min hal gool dhaliyeen halka goolka kale uu Mascherano iska dhaliyay. Barcelona ayaa waji gabax wayn kala kulantay ciidada Klopp ee Reds.

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa Wembley Stadium iskaga hor yimid kulan muddo dheer la sugayay oo ka tirsanaa International Champions Cupka. Kooxaha Jurgen Klopp iyo Luis Enrique ayaa ka hor xili ciyaareedka cusub kulankan ka heli doona diyaar garaw iyo tijaabo adag.

Daniel Sturridge ayaa kulankan seegay iyada oo Liverpool ay xaqiijisay in dhibaato yar uu ka dareemayay feedhaha isla markaan kulankan taxadar ahaan looga daayay. Mignolet ayaa sidii la filayay goolka ku soo bilawday waxaana afarta difaaca ah ka ciyaari doona  Clyne, Lovren, Klavan, Milner iyada oo Milner uu kulankii labaad oo xidhiidh ay uu ka ciyaari doono difaaca bidix.

Waxaa khadka dhexe ku soo wada bilawday Emire Can, Wijnaldum iyo Adam Lallana halka Coutinho iyo Sadio Mane ay Roberto Firmino weerarka ka caawin doonaan.

Dhinaca kale Luis Enrique ayaa shax xoogan u soo doortay kulankan waxaana goolka ku soo bilawday Ter Stegen iyada oo Lionel Messi, Denis Suarez iyo Luis Suarez ay kulankii saddexaad wada jiran ugu soo bialwdeen shaxda Enrique. Mascharano iyo Sergio Busquets ayaa ka mid ah xidigaha uu Enrique kulankan suu xushay.

SHAXAHA LABADA KOOXOOD EE KUALNKAN:

Liverpool:Mignolet, Clyne, Lovren, Klavan, Milner, Can, Wijnaldum, Lallana, Coutinho, Firmino, Mane.

Kaydka: Manninger, Henderson, Grujic, Moreno, Brannagan, Origi, Ings, Matip, Stewart, Wisdom, Markovic, Randall, Alexander-Arnold

Barcelona: Ter Stegen, Mathieu, Aleix Vidal, Mascherano, Sergio Busquets, Cámara, Arda Turan, Denis Suarez, Munir, Lionel Messi iyo Luis Suarez

Kaydka:Bravo, Masip, Douglas, Piqué, Rakitic, Iniesta, Mujica, Samper, Digne, S. Roberto, Alfaro, Vermaelen

Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabtay dardar aan la rumaysan karin waxayna markiiba karkarisay kooxda Luis Enrique oo ku dhibtoonaysay kubbada deg dega badan iyo weerarka dardar cajiibka ah ciyaarta ku soo galay ee Liverpool. Daqiiqadii ugu horaysay ee kulankan Sadio Mane ayaa fursad fiican ka soo abuuray dhinaca midig waxaana fursadan iska lumiyay saxiixa cusub ee Wijnaldum.

DAQIIQADII 15 AAD GOOOOOOOOL!. Liverpool ayaa ka midho dhalisay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay kulankan ku bilaabtay waxaana gool si cajiib ah looga soo shaqeeyay goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool ku dhaliyay Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Adam Lallana ayaa kubbad ka soo xoogay Arda Turan wuxuuna si qurux badan kubbada ula ciyaaray Roberto Firmino iyada oo gool caawin fiican uu sameeyay Adam Lallana waxaana kubbada si fiican shabaqa Barcelona ugu dhamaystiray. Difaacyada Barcelona ayaa daawanayay kubbada indho sarcaadka ahayd ee ay xidigaha Liverpool soo ciyaareen.

Marnaba kuma tilmaami karno kulan saaxiibtinimo kulan dhex maraya Barcelona iyo Liverpool, waxaana laga dareemayay xamaasad aan caadi ahayn iyada oo garoonka si aan la rumaysan karin loo soo buux dhaafiyay.Liverpool ayaa sii waday kubbada weerarka aan kala joogsiga ah lahayn waxayna dhibaato joogto ah ku abuurayeen difaaca Barcelona.

DAQIIQADII 23 AAD Barcelona ayaa ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha kadib markii uu Lionel Messi helay fursad cajiib ah laakiin darbo uu goolka Liverpool hortiisa ka tuuray ayay birta goolku ka beenisay. Alla maxay fursad cajiib ah ahayd!.

Barcelona ayaa bilawday inay hurdada ka kacdo isla makaana ay iska rogto culayska ka haystay weerarka Liverpool waxaana daqiiqadii 28 aad si fiican iskugu xidhmay Arda Turan iyo Lionel Messi laakiin markan goolhaye Mignolet ayaa sameeyay badbadin aad u fiican.

Intaa wixii danbeeyay waxay ciyaartu noqotay weerar iyo weerar celis iyada oo labada dhinacba laga filan karayay goolka labaad ee kulankan. Liverpool ayaa heshay fursado xidhiidh ah iyada oo Coutinho iyo Mane ay isku muujiyeen kulankan isla markaana ay sida ay doonaan ka yeeleen difaaca Barcelona.

DAQIIQADII 40 AAD GOOOL!. MAYA MAYA… madhalan! Ma rumaysan kartid qaabka uu goolhaye Mignolet fursad gool loo fishay uga badbaadiyay Luis Suarez kaas oo kubbad kula soo baxay goolka Liverpool laakiin markale fursadani ma noqon mid ay Barcelona kula timid goolka barbaraha.

DAQIIADII 42 aad Jurgen Klopp ayay qasab ku noqotay in uu badal xili hore ah sameeyo kadib markii uu dhawac soo gaadhay James Milner oo difaaca bidix ka ciyaarayay waxaana lagu soo badalay Alberto Moreno oo ka soo kabsaday dhaawac fudud oo hore u soo gaadhay. Milner ayaa dhibaato kala kulmay Messi iyo Vidal oo iska daba ciyarayay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid si buuxda loogu raaxaystay isla markaana ay jamaahiirtii Wembley sida aan caadiga ahayn u soo buuxay ay sawaxan iyo qaylo kala joojin waayeen. Waxaan ku qeexi karaa jawiga kulankan mid la mid ah ama ugu yaraan ku dhaw final Champions Leaque-ga ah laakiin heerkiisa ayaa ahaa ICC Cupka oo ah kulan saaxiibtinimo. Si kastaba ha ahaatee, qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe Liverpool ayaa dhul gariir iyo duufaan aan la garanayn meel ay ka timid kala hortimid Barcelona waxayna u muuqdeen kuwo aan la joojin karin, mararka qaar waxaaba lays waydiinayay in kooxda garoonka ku jirtay ay Barcelona tahay iyo inkale.

Klopp ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Philippe Coutinho oo ka mid ahaa xidigaha ciyaarta iftiiminayay waxaana lagu soo badlaay Divock Origi. Emre Can ayaa isna lagu soo badlaay Kevin Stewart halka Adam Lallana lagu soo badalay kabtanka Reds ee Jordan Henderson oo kaydka ka soo kacay. 

Luis Enrique ayaa isna markii la soo laabtay ciyaarta soo galiyay goolhaye Claudio Andrés Bravo wuxuuna saaray Marc-André ter Stegen hala sidoo kale ciyaarta laga saaray Aleix Vidal oo ku dhibtooday kubbada mucjisda ah ee Coutinho waxaana la soo galiyay ciyaarta da’yarka Sergi Roberto.

DAQIIQADII 47 GOOOOOOOL!. Liverpool ayaa si deg deg ah u heshay goolkeeda labaad waxaana goolkan lagu qasbay in uu iska dhaliyo xidigii hore ee Liverpool ee Javier Mascherano kadib kubbad ili maqabtay ah oo ay Liverpool weerar deg d

Sadio Mane oo muujiyay sababtii uu Klopp lacagta badan uga soo bixiyay ayaa soo baro bixiyay Mathieu ka hor intii aanu si fiican ugu xidhmin Origi oo ciyaarta badal ku soo galay, kubbad goolka la soo hormariyay oo uu  Henderson goolkan ku dhalin lahaa ayuu Mascherano si qalad ah shabiqiisa ugu duway.

DAQIIQADII 48 AAD oo ah daqiiqad kaliya kadib markii ay Liverpool heshay goolka labaad ayuu Divock Okoth Origi goolka saddexaad ugu qubeeyay Barcelona kadib markii uu kubbad cajiib ah ka helay da’yarka Kevin Stewart, Origi ayaana kubbada ka saaray lugaha Bravo si uu ciyaarta uga dhigo 3:0 ay Liverpool ku dardarayso Barcelona.

Wax walbi waxay noqdeen Liverpool oo weerar ah iyo Barcelona oo ku jaho wareertay weerarka aan kala joogsiga lahayn ee Liverpool. Daqiiqadii 51 aad Barcelona ayaa u muuqatay in ay ceeb la kulmayso kadib markii da’yarka Kevin Stewart uu kubbad qurux badan u bixiyay Roberto Firmino, xidiga ree Brazil ayaa goolka Barcelona kubbad kula soo baxay laakiin nasiibkiisa ayaa xumaaday inkasta oo uu Bravo si fiican u garaacay balse kubbada ayaa birta wax yar u martay.

DAQIIQADII 71 aad Liverpool ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda afraad kadib markii uu Sadio Mane soo kala seexiyay difaacyada Barcelona laakiin ugu danbayn darbo  fiican oo uu lugta bidix ku tuuray ayaa birta goolka wax yar u martay.

DAQIIQADII 74 AAD Barcelona ayaa heshay fursad aad u fiican kadib markii Messi iyo Sergi Roberto ay si fiican u soo ciyaareen laakiin ugu danbayn Munir ayaa lumiyay fursada laga soo shaqeeyay. Dhamaadkii ciyaarta Barcelona ayaa si xoogan uga shaqaynaysay sidii ay u gaadhi lahayd shabaqa Mignolet basle difaca Liverpool ayaa u muuqday kuwo xoogan oo ay adag tahay in si sahlan lagu dhaafi karo.

Origi ayaa marka hore kubbada kula soo baxay difaacyada Barcelona waxayna u muuqdeen kuwo kubbada joojiyay laakiin  Lazar Marković ayaa kubbad layaableh difaaca Barcelona uga dulqaaday xidiga ay isku qaranka Serbia yihiin ee Marko Grujic kaas oo ciyaarta soo gabagabeeyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:0 ay Liverpool ku dubatay kooxda Luis Enrique oo guuldaradii ugu horaysay ee xagaagan la kulantay. Kaliya ma aha in Liverpool ay afar gool ku garaacday Barcelona basle sidoo kale qaab ciyaareedka kooxda Klopp ayaa aha amid fariin cad u dirayay kooxaha Premier Leaque-ga.

 

Comments

comments

SHARE