War Degdeg Ah: Golaha Wakiilada Oo Dood Adag Ku Qaabilay Heshiiska DP World Oo Xukuumaddu Maanta Golaha Horkeentay

297

Xukuumadda Somaliland ayaa mar dhawayd Fadhigii Golaa Wakiilada Somaliland hor keentay laba dhukumanti oo kala ah heshiiska hordhaca ah ee xukuumaddu la saxeexatay shirkadda DPW ee la filayo in ay maal geliso Dekedda Caalamiga ah ee Berbera iyo sidoo kale dhukumanti dhan oo ay ku soo lifaaqday oo ka hadlaya njuxurka heshiiskaasi hor dhaca ah oo ay Golaha kaga dalbanayso in ay ansixiyaan sida ugu shakhsaha badan.

Wararka imika naga soo gaadhaya Golaha Wakiilada ayaa sheegaya in xildhibaanadu su’aalo ka waydiinayaan heshiiskan, halka fadhiga laga dheehanayey sida ay heshiiskan ugu soo diyaar garawday xukuumaddu in ay dhaafiso Golaha iyo xildhibaanada muxaafidka ah oo u muuqda kuwo dadaal xoog leh ugu jira sidii heshiiskan hordhaca ah ay u ansixin lahaayeen inkasta oo ay jiraan xildhibaano badan oo Mucaarid ah oo heshiiskan ka soo hor jeedaa.
la soco wixii warar ah ee ka soo kordha heshiiskan xukuumaddu maanta golaha hor keentay.

Comments

comments