Somaliland: Saraakiil Sar Sare Oo Ka Sacda Dalka Imaaraadka Carabta Oo Maalmihii U Danbeeyeyba Ku Sugnaa Dalka Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

DP World signs a $442m joint venture with Somaliland to ‘invest and manage’ Port of Berbera with the aim to transform it into a regional and logistic hub. Landlocked Ethiopia welcomes the unexpected opportunity that opened a second door besides Djibouti ports.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno qasriga madaxtooyada Somaliland  ayaa sheegaya in dalka ay ku sugan yihiin khuburo kala duwan oo iskugu jira laamaha kala duwan ee dalkaasi u qaabilsan arimaha dibada iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay la galayaan wadamada kala duwan,kuwaasi oo dalka u jooga arimo ay u horeyso inay indho dheeraada u yeeshaan xaalada guud ee la xidhiidha heshiiska ay Somaliland iyo shirkada DP World dhawaan kala saxeexdeen lana filayo in maalmaha soo socda la horgeeyo golaha wakiilada Somaliland .

Warar wargeyska war-sugan ka helay dad ka agdhaw xubnahaa la tuhunsan yahay ee u adeegaya dalka imaaraadka carabta ayaa noo xaqiijiyay in ujeedada safarkooda ay dalka u yimaadeen ay tahay sidii ay wax uga ogaan laahaayeen balamo hore oo ay wada galeen xukuumadda iyo qaar kamida xisbiyada mucaaaradka ah oo uu ka mid yahay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland  ahna gudoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Cirro oo isagu hore u sheegay inay magaalada Dubai ku kulmeen masuuliyiin ka tirsan shirkada DP World kana wada hadleen arimo gaara balse aaanu soo bandhigin waxay ka wada hadleen .

Sida ay xogahani tilmaamayaan waxa hubaal ah in socdaalka xubnahan kala duwani dalka ku yimaadeen ay tahay inay daba galaan kana dhursugaan waxa ay wakiiladu ka yeeli doonaan marka la hor geeyo heshiiska dekedda berbera.

Saraakiishan UAE oo Somaliland u yimid sidii ay xog-ogaal ugu noqdaan arimaha DP World ayaa isha ku hayn doona sida ay u dhici doonto iyo wajiga ay golaha baarlamaanku ku qaabilaan madaama ay gudoomiyaha iyo masuuliyiinta shirkaddu kulan wada yeesheen iyaga oo dalkooda kula noqon doona waxay kala kulmaan Somaliland ee la xidhiidha sida ay u aragto heshiiskaasi, si imaaaraadka carabtu uu go’aan uga gaadho danaha ay ka leeyihiin Somaliland iyo maalgashiga dekedda berbera.

Arrinkan ayaa kusoo beegmaya wakhti ay Somaliland waajihi doonto go’aan miisaankiisa leh oo cadawga Somaliland ka nixin kara ama ka farxin doona iyada oo aynu wada ogsoonahay xaalada dhaqan dhaqaale ee dalkeena iyo ka wadamada jaarkeenaba.

 

Comments

comments