Somaliland: Ex Wasiir Xirsi Cali X. Xasan Oo Sheegay In Heshiiska Dekedda Ee Hadda Yaala Uu Yahay Kii Ay Diideen Xilligii Uu Wasiirka Ahaa, Iyo Sababta Ay Ku Diideen Oo Uu Faah-faahiyay

802

Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay heshiiska lagu maalgalinayo dekedda berbera iyo wada hadaladii ay kula jireen xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

Xirsi Cali Xasan oo waraysi gaara siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa sidoo kale ka hadlay kala duwanaanshaha ka muuqda heshiiska ay xukuumaddu gashay ee lagu maalgalinayo dekedda berbera iyo mid xukumaddu diiday wakhtigiii uu wasiirka madaxtooyada ahaa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaya heshiiska dekeda berbera ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Sidaan hore uga hadlay waxaan qabaa aragtida ah in dekedda la horumariyo oo dekedu waa hantida ugu muhiimsan ee somailand,waana halbowle oo waa meeshii ay umadda wax usoo marayeen,waynu u baahanay in dekedda berbera la horumariyo kuwo kalena la dhiso si horumarka dalku u dhamaystirmo, waxa kale oo aan qabaa in heshiiska dekeda berbera ee la galayaa uu cad yahay oo aanu mad-madow ku jirin ,waxa ii muuqatay in heshiiska iminka la galay intaan ku arkayay uu yahay mid kooban, laakiin heshiiskii waynaa maan arag hadii uu jirana in umadda loo bayaamiyaa waa sax,hadii kalena heshiiska wayn ayaa fiican oo leh sidii aanu barigii horeba u waydiinayba soo jeedintii ganacsiga shirkada iyo heshiiskii oo koone waliba cad yahay oo waliba madaama inagu aynaan aqoonteedii u bislayn oo aynaan lahayn waa in dhawr meelood laga eego, waa in sharci yaqaano loo bandhigo,waan in khuburo dekedda ah loo bandhigo, waa in loo bandhigo injineero farsamayaqaano ah si aan laynoo qaldin markaa inagaa oo dhammaan isku waafaqsan oo aanu qofna diidanayn waa in dekeda la horumariyo, hadana waxa muhiim ah in aan layna cawarin ee aynu helno horumarkii aynu u baahnayn oo aanay noqon inaynu hadhaw Ia dhibaatoono,heshiis caalamiya oo aad galaysaana ma hawl yara inta uu maanta joogana waa inuu yahay heshiis layska hubsaday oo aan mad-madow ku jirin oo cad waana qabaa fikirka ah in la horumaariyo dekedda’Sidaas ayuu yidhi.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aanu waydiinay kala duwanaanshaha ka muuqda heshiiskii ay xukumaddu diiday wakhtigii uu wasiirka aahaa iyo heshiiska ay hadda gashay ayaa waxa uu ku jawaabay sidan

“waxaan u arkayay inay isku nooc yihiin waxa jiraa waxyaalo yar yar oo laga badalay laakiin aanu wax badani ka badalnayn,barigaasna waxaanu ku xidhnay inay keenaan heshiis dhamaystiran iyo soo jeedintii ganacsigooda iyo qorshahooda oo aanay ku gali Karin heshiis yar oo kooban oo 10 warqadood ah,markaa waxan arkayay inaan wax badani ka badalnayn, markaa waxaan u arkaa in heshiis cad oo leh qorshihii ganacsiga iyo soo jeedin dhamaystiran sidoo kalena leh la taliyayaashii loo kiraysan lahaa,barigii iigu danbaysayna waxaan doonaynay inaan helno saddex qolo oo kala ah, Sharci yaqaano dekedaha yaqaana iyo shuruucda dibada kuna xeel dheer sharciyada caalamiga ah ee la galayo, sidoo kale in la helo khabiiro ku xeel dheer dekedaha oo aqoon saayida u leh iyo in la helo injineero dekedda yaqaana oo heer caalami ah, marka intaa la helana waa inay iska celin karaan sharci yaqaanada iyo injineerada inaga soo horjeeda oo ay leeyihiin aqoon u dhigganta si aan laynoogu samayn in layna burburiyo”.

Dhinaca kale Xirsi oo waxa uu ka hadlay wada hadaladii u dhaxeeyey isbahaysiga xisbiga KULMIYE iyo xisbiyada mucaaradka ah waxanu yidhi.

“Wada hadaladii sidoodii ayay usocdaan,xisbiga WADDANI oo kaliya lamaanaan hadlayn ee labada xisbi ee mucaaradka ahba wada hadalo ayaanu la furnay guddi ayaanu u magacawnay,gudidiina wa sidoodii wada hadalkiina way wadaan walina wax natiijo ah lama gaadhin”Sidaas ayuu yidh

 

Comments

comments

SHARE