DEG-DEG: Manchester City Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Da’yarka Reer Colombia Marlos Moreno

Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa gooldhaliyaha da’da yar ee kooxda Atletico Nacional iyo xulka qaranka Colombia Marlos Moreno sida ay ku dhawaaqday goor dhaw.

19-jirkaan heerka caalami ayaa soo gaaray garoonka Etihad Stadium si uu heshiis qalinka ugu duugo kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola, wuxuuna saxiixay heshiis shan sano ah.

Marlos Moreno wuxuu si dhaqso ah ku aadayaa kooxda Deportivo La Coruna halkaas oo uu amaah hal xili ciyaareed ah kula soo qaadanayo 2016/2017.

“City waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida” ayuu da’yarkaan u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Waxey ii tahay qibrad inaan qeyb ka noqdo koox sidaan u weyn, waxaan doonayaa inaan sameeyo waxa ugu fiican” Ayuu yiri mar kale.

Marlos Moreno waa saxiixa todobaad ee Manchester City waxaana kaga soo horeeyay kooxda Leroy Sane, Ilkay Gundogan, Nolito, Oleksandr Zinchenko, Gabriel Jesus iyo Aaron Mooy.

Comments

comments

SHARE