Somaliland: Khasaaraha Dagaal U Dhexeeya Laba Beelood Oo Ka Dhacay Deegaanka Darar Wayne ee Ceel-afwayn

Wararka ka imanaya degmada ceel-afwayn ee gobolka sanaag ayaa sheegay in galinkii danbe ee shalay uu dagaal ku dhex maray deegaanka darar-wayne oo kamida degmada ceel afwayn laba ardaa oo walaalo ah oo wada dega deegankaasi,

Waxaana dagaalkan dhex maray labadan ardaaa ka dhashay sida la sheegay dhimashada labada ruux halka dhaawacuna yahay 4 ruux.

Dagaalkan dhex maray labada beelood ayaa ka dhashay muran deegaan oo la doonaya sida lasoo wariyay in laga dhigo tuulo.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamo maleeshiyaadku ay hada wali is hor fadhiyaan.

Ciidamada booliska gobolka sanaag ayaa lasoo sheegayaa in ay kala dhex galeen labadaa beelood, waxanay ciidanku la wareegeen aamaanka deegaanka wallow sida la sheegay ay wali cakiran tahay xaalada deegaanku oo laga dareemayo sansaan colaadeed.

Comments

comments

SHARE