Somaliland: Prof Gees oo si Qoto-dheer uga Hadlay Xalka Khilaafka Maalgashiga Dekedda Berbera iyo Saami-qaybsiga Wakiillada

265

Qormada Dharaaro Xusuustood iyo Prof Gees: waxyaabaha xuddunta u ah khilaafka ka dhasha heshiisyada xukuumaddu cid la gasho, qaabkii xayiraadda looga qaaday dekedda Berbera, fashilka heshiiskii sahaminta shidaalka iyo talooyin muhiim ah.

Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa si qoto-dheer uga hadlay heshiiska maalgashiga dekedda Berbera iyo xalka khilaafka ka taagan saami-qaybsiga gobollada dalka ee kuraasta Golaha Wakiillada.

Prof. Gees oo soo saaray qaybtii 50aad ee Dharaaro Xusuustood shalay, kuna sheegay inay tahay qormadiisii u dambaysay ee uu ku soo khatimay taxanahaas muddada dheer socday, waxa uu kaga hadlay qaabkii dekedda Berbera u furan tahay, loogana qaaday xayiraad lagu soo rogay markii ay burburtay dawladdii millatariga ahayd ee Siyaad Barre sannadkii 1991-kii iyo khilaafka waqtigan ka taagan heshiiska maalgashiga ee xukuumadda Somaliland la saxeexatay Shirkadda DP World.

Qormada gunaanadka ah ee Dharaaro Xusuustood oo uu Prof. Maxamed Siciid Gees ku bilaabay qayb ka mid ah gabay uu lahaa Allaah ha u naxariistee abwaan Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc), waxa ay u qornayd sidan:

“Markan eegga odayoobay oo waan itaal gabaye

Waa arammi feedhaha waxaan aahda la hayaaye

Itixaada waataad sidii adhi ahaydeene

Indhahaad isku aragtaan cadawga waar iskaga eegga

Is-aamina dannigu waa waxaad ku ibtilawdeene

Is-aqbala qabiilnimada waad ku ambanaysaane

Is–adeeca uur-xummidu waa aayatiin li’ye”

Abwaan Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)

Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim-dheere) ayaa maalin xafiiska iigu yimi aniga oo ah Wasiirka Maaliyadda, kadibna waxa uu iiga sheekeeyay sidii uu xayiraadda uga qaaday Dekadda Berbera iyo arrimo kale oo waaweyn.

Markii dagaalladu ka dhaceen dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliyeed 1991kii ee dawladdii burburtay, ayaa xayiraad la saaray dekedihii dalkaas. Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) waxa uu ii sheegay inuu isku dayey inuu markab raashin u waday uu u soo raro magaalada Berbera. Hase yeeshee, caymiskii ayaa diiday inuu caymiyo markabka tegaya Berbera iyadoon nabad ahayn, oo dawlad la ictiraafsan yahay aanay gacanta ku hayn.

Waxa Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim-dheere) igu yidhi; ‘Waxaan dammaanad u dhigay caymiskii markabka oo aan shubay, haddii wax soo gaadhaan markabka, dabadeedna sidii ayey ku aqbashay shirkaddii lahayd markabku.’

Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim-dheere), isaga oo sheekadii sii wata waxa uu yidhi; ‘Waxaan markaas immi Berbera, kadibna waxaan diyaariyey shaqaalihii Dekedda oo waxa aan u sameeyey meel ay cunto ka cunaan, waxaan u sakimay qaadkii oo kula dardaarmay inay degdeg uga rogaan alaabta markabka imanaya.”

Marka xin i galo ayaa iga xoog badan; muddo kooban oo aan weli hore u dhicin ayaa shaqaalihii ay Markabka kaga dejiyeen badeecaddii, dabadeed Kabtankii markabka oo ka yaaban dhaqsaha looga dejiyey rarkii ayaa warqad marag ah oo ammaan ah ka qoray oo saxeexay Dekadda Berbera inay nabad tahay oo si yaab leh oo fiican oo dhakhso ah looga rogay alaabtii.’ Sidaas ayaa xayiraaddii looga qaaday Dekeddii Berbera.

Waqtigaas oo ahayd 1993kii ilaa maanta ayey Dekedda Berbera u shaqaynaysay oo maraakiibta dunidu ugu soo xidhanaysay. Saddex iyo labaatanka sannadood, waaxan kala soo degaynaa raashinka aan cunno, alaabta dhismaha ee daarihii dumay iyo kuwa cusubba aan ku dhisanno.

Waxa kaloon kala soo degnaa baaburtan gacanta labaad ah ee aan isugu faanno ee qiiqa hawadii ku fadaraysay iyo sigaarka sambabada ina madoobeeyey. Waxa qudha aan Qarniga 21tanaad ka dhoofinnaa dekeddaas neef xoolo ah oo marna Carabta aynu Walaalaha nahay amma aan sheeganaa ay marna xayiraad saarto, marna innagu soo celiso, marna innaga iibsato. Dekeddu waxa ay kafeeysay baahidaas, mushaharka shaqaalaha, xammaaliinta ka hawlgala iyo shaxaadka (xukuumad iyo shicib) ciddii u tagta.

Nin ganacsade ah ayaa ii sheegay inuu Khawaaje (muwaaddin) Maraykan ah geeyey Berbera, markay ku dhow yihiin magaaladii ayuu Khawaajihii ku yidhi; ‘Waar meeshu miyaanay Dekad ahayn? Wax baabuur ah oo xammuul ah inama dhaafin eh?’ Sida caadiga ah waddooyinka magaalada Dekedda leh gala waxa jirta saxmad baabuurta xammuulka ah ee Dekedda alaabta ka soo qaada ama geeysa.

Waxa muuqatay in aanay shaqo badan ka socon Dekedda Berbera oo aan qaadkeeda (capacity) aan la wada isticmaalin hadda, sida ay khubarada Baanka Adduunku (World Bank) warbixin ay ka qoreen ku sheegeen.

Markabkii ugu horreeyey ee raaashin mucaawino u siday Itoobiya  waxay ahayd sannadkii 1999kii, aniga oo Wasiirka Qorshaynta ah iyo nin la odhan jiray Emmanuel Laangdhe oo u dhashay dalka Belgium ayaa ku qanciyey ninkii raashinka ka masuul ahaa oo isna ahaa reer Belgium, kaasoo Midowga Yurub (EU-da) fadhiyey Itoobiya oo la odhan jiray Pascal Jones inuu raashinka soo mariyo Berbera. Markabkaas ayaa bilaabay waxogaaga ay hadda dawladda Itoobiya soo marsato Dekedda Berbera.

Aragtida Prof Gees ee xalka lagaga gudbi karo buuqa ka taagan maalgashiga Dekedda:

Waar haddii buuqa iyo muranka arrinta shirkadda reer Dubai (Dubai Ports) ee Dekadda Berbera ay kula shuraakoobayso xukuumadda aan laga heshiin oo uu sii kordho, armaa laga faa’iidaystaa oo markale dekedda cadawgeedu (sida dawladda Xamar ee la ictiraafsan yahay) uu xayiraad saaraa!

Hadda Golihii Xukuumaddu waa ansixiyey heshiiskii shuraakawga Dekedda Berbera ee ka dhexeeyey shirkadda reer Dubai (Dubai Ports) iyo xukuumadda Somaliland. Dhowaan waxa loo gudbin doonaa Golaha Wakiillada, sida uu dhigayo Dastuurku. Waxaan warbaahinta u marinayaa ciddii ay khusayso dhawr afeefood oo kala ah;

  1. Saddex iyo labaatan sanno oo xukuumaddu maamulaysay Dekedda Berbera, waa ay ku guulaysatay inay nabad ku hayso, wayna ku ammaanan tahay, waxase u suurtogeli wayday inay horumariso oo casriyayso, xataa inay qaadkeeda oo dhan ku shaqayso (full capacity) iyo in macaamil kale ay ku soo xidho.
  2. Dalkan (Somaliland) ma laha macdan, beero iyo wershado. Waxa uu keli haystaa xeeb dheer. Xeebtii dheerayd, dekeddii qudha ahayd ee ka dhisnayd waynu horumarin kari waynay, halka Jabuuti oo aan dersin nahay ay dekeddii saddexaad dhisanayso. Hadda awal deked keliya ayey lahayd, heshiiska ay la gashay Dubai Ports ayaa soo jiiday, waxaas oo maalgashi ah. In loo baahan cid maal iyo aqoon u leh oo inala horumarisa dekedda, waa la wada qabaa.
  3. Xagga heshiiska, Waaxda Fulinta ama xukuumadda oo adeegsanaysa khubaro ayaa u fara dhuudhuuban oo uu siiyey Dastuurku. Golaha Wakiillada ayaa hubinta heshiiska iyo ansixinta iska leh. Haddii ay soo heleen qoladan (Dubai Ports) waxa looga fadhiyaa inay jidkiisa mariyaan heshiiskan.
  4. Dadweynuhu way ka hadli karaan oo waxay fikrad ka dhiiban karaan wixii saamaynaya noloshooda, si dimoqraadi oo nabad ah.
  5. Shaqalaha ka hawlgala Dekedda waa ka hadli karaan xuquudooda iyo danahooda. Hadda ma laha hab-daryeel oo xuquuqda shaqaalaha dhiggooda ee caalamka la mid ah. Waa inay heshiiska ka muuqato in xuquuqda shaqaalaha Dekedda Berbera lala mid dhigo xuquuqda shaqaalaha dekedaha ay maamusho shirkadda Dubai Ports.
  6. Dadka deegaanka ee ay saamayso horumarinta Dekedda Berbera, waa in cawad-celin loogu talagalaa oo xukuumaddu dammaanad-qaadaa. Intaan Dekedda la dhisin waxa maraakiibta xoolaha ka soo rogi jiray oo saari jiray doonyo reer Maakhir lahaa. Markii markabkii dekedda ku soo xidhay ayaa laga maarmay doonyihii. Waxa la siiyey cawad-celin dadkii doonyaha lahaa, awowgay Maxamed Gees ayaa ka mid ahaa xoogsatadii beesha Maakhir ee xaafadda Daaroole degganayd, markaas ayey ka guureen Berbera oo ka hayaameen.
  7. Dalalka ictiraafka raadinaya sida Somaliland oo kale shuruudaha lagu xidho waxa ka mid; Inay heshiis la geli karto dalalka caalamka iyo shirkadaha ganacsiga ee dunida oo ay fulin karto heshiiyada ay gasho. Ayaan-darro heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkaddii shidaalka sahaminaysay ee Genel Energy waa kii dhicisoobay. Sida ka dhacda dalalka dimoqraadiga ah waxay ahayd in guddi ka mid ah Baarlamaanka oo xaqiiqo-raadin ah loo saaro, lana hubiyo sababta keentay fashilka, si looga digtoonaado in fashilkaas oo kale aannu mar dambe u dhicin. Hadda waata muran mar labaad ku bilaabmay heshiiskii dhinaca Dekedda Berbera iyo shirkadda Dubai Ports.
  1. Muranka heshiisyada xukuumadaha soo maray Somaliland ay la galaan muwaaddiniin reer Somaliland ah ama shisheeyahaba waa soo noqnoqdaa oo waa badan yahay. Waxa dadka ka faaloloda siyaasaddu u nisbeeyaan arrimo hungri iyo sanqadh-dhegaysi salka ku haya hinaase, oo ka dhexeeya wax–isbidayaasha (Elites) bulshada oo aanay dadweynaha dani ugu jirin.

‘Cadyahaw ama ku cunay ama ku ciideeyey iyo ku jiqsii,’ ayey ku dhaqantaa kooxda markaas aan ku jirin xukuumadda, kooxda markaas hadhka ku jirtaana fogayn iyo iska wax-celin iyo farsamo-xummo ay ilaa hadda xeerkii u jidayn lahaa wareejinta hantida ma-guurtada ah ee qaranku leeyahay ee Dastuurku faray ayaa ilaa maanta la kari waayey in la dejiyo.

Maahmaahaha bulshada saboolnimadu ragaadisay ayey ka mid yihiin kuwani oo aad maqlayso had iyo jeer: ‘Caano jiilaal canba can dareen, Nin hullaab xun inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa iyo culimo jiilaal joogta injir lagama qabto!’

Xalka Prof. Gees ee saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada iyo talooyin uu soo jeediyey.

Qoraalkan ayaan ku soo afmeerayaa taxanihii dharaaro xusuustood oo ah kii kontonaad. Intaanan idin nabadgelyeyn, waxan ku soo qaadayaa arrinta muranku ka dhashay ee saami-qaybsiga kuraasida Golaha Wakiillada. Waxaan warbaahinta ka akhriyey saddexdii guddoomiye ee xisbiyada; Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali-waraabe, Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi markay muddo kaga doodayeen gogol uu fidiyey Akademiga Nabadda iyo Horamarku arrintii ku celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), si uu go’aan uga gaadho oo waa ay kari waayeen inay xal ka gaadhaan arrintaas iyagoo weyso dhawranaya.

Hase yeeshee, saddexda guddoomiyeba waxay caddeeyeen inay markan yihiin; ‘Amar dawla-mudiic, ninkii diidaa dabbaal.’ Iyaga oo welibana leh; ‘Madaxweyne, mar haddii aanad ahayn murrashax, go’aan-ka-gaadh arrinkan oo yaanay dib u dhicin doorashadu ee ay Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalku ayidday xeerkii iyo go’aankii Golaha Guurtidu ku cayimeen xilliga doorashada Golaha Wakiillada iyo Madaxweynuhu ay dhacayso ee aad Madaxweyne xeer ku soo saartay.’

Haddaba, way adag tahay in gobol kuraas laga jaro oo mid kale la siiyo, balse waxaan kuu soo jeedinayaa in shaxdii hore ee kuraasta aad sideeda u dayso, laakiin gudaheeda aad wax ka beddesho. Hargeysa iyo Burco labada magaalo ee waaweyn midba hal kursi u jar dadka la-hayb-sooco oo is-xambaar ha ku soo baxeen. Sidaa si la mid ah lixda gobol midkiiba qof Haween ah u jar oo is-xambaar ha ku soo baxeen. Siddeedaa kursi ka reeb oo 74ka soo hadhay ha ku tartameen Laandheeruhu oo ha ku botoriyeen.

Akhristayaasha sharafta iyo qaayaha leh ee sida joogtada ah ula socday taxanahan Dharaaro Xusuustood waad mahadsan tihiin, waxaanan idiinku soo gebogebaynayaa qeyb ka mid ah heesta uu curiyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan (Xasan Ganey) ee ay qaadi jirtay boqoraddii codka Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) ee aan jeclaa codkeeda markaan dhegaha qabay, taas ayaanan idinku sagootiyayaa:

Haddaan calafku ila jirin,

Waanigaa jiciirtee,

Jaaw nabadgelyo,

Jaaw nabadgelyo,

Jaaw nabadgelyo!”

Comments

comments