WARBIXIN: Kadib Dhamaystirtii Manchester City Ee Heshiiska Leroy Sane, Wax Badan Ka Ogay Liiska Ciyaartoyda Da’yarta Ah Ee Abid Lacagtii Ugu Badnayd Lugu Soo Iibsaday

256

Manchester City ayaa maanta si rasmi ah udhamaystirtay saxiixa da’yarkii kooxda Schalke04 ee Leroy Sane oo ay kula soo wareegtay heshiis ugu danbayn gaadhi doona 50 milyan oo euros. Leroy Sane ayaa ku biiray liiska ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso 21 sano jirka ee ay abid aduunka ugu qaalisan.

Waliba Leroy Sane ayaa kaalinta shanaad ka soo galay liiska 20 ka da’yar ee abid suuqa kala iibsiga ugu qaalisan. Waxaana liiskan ku jira ciyaartoy lagu tilmaami karo ciyaartoyda mustaqbalka qabsan doona kubbada cagta aduunka.

Waxaa liiska da’yarka aduunka ugu qaalisan hogaaminaya Neymar JR oo ay Barcelona sanadkii 2013 ay ka soo bixisay 83.5 milyan euros oo udhiganta 61.3 milyan gini. Neymar ayay Barcelona kala soo wareegtay kooxda Santos ee ree Brazil.

Laakiin saxiixa ugu qaalisan ee ugu danbeeyay oo ay da’diisu ka yar tahay 21 sano jir ahaa noqday Leroy Sane kaas oo Mancehster City ugu soo biiray aduun lacageed oo dhan 50 milyan oo euros oo udhiganta 37 milyan oo gini. Sane ayaana kaalinta shanaad ka soo galay da’yarka aduunka ugu qaalisan.

Haddaba halkan kaga bogo liiska 20 ka ciyaartoy ee ay da’doodu ka yar tahay 21 sano jirka ee lacagta ugu qaalisan lagula wareegay waxayna soo kala horeeyaan sida ay ukala qiimo yar yihiin iyada oo kaalinta koowaad uu ku jirto da’yarkii suuqa lagaga soo iibsaday lacagta ugu badan.

FIIRO GAAR AH: Ciyaartoy kasta kooxda ku hor qoran ee soo horaysa waa kooxda uu ka soo wareegay halka kooxda kale ay tahay kooxda lacagtan qaaliga ah ku so iibsatay. Sidoo kale waxaa naga xusuusin ah in lacagta hore ay tahay ciyaartoy kasta ku hor qoran ay ta soo horaysaa tahay Euro halka lacagta qoyska ku xidhani ay tahay Pound.
20. MARQUINHOS | Roma → Paris Saint-Germain | €31.4m (£23m)

=18. ANDERSON | Porto →Manchester United | €31.5m (£23.1m)

=18. DENILSON | Sao Paulo → Betis | €31.5m (£23.1m)

17. PAULO DYBALA | Palermo → Juventus | €32m (£23.5m)

16. NICOLAS ANELKA | Real Madrid → Paris Saint-Germain | €34.5m (£25.3m)

=13. KARIM BENZEMA | Lyon → Real Madrid | €35m (£25.7m)

=13. NICOLAS ANELKA | Arsenal → Real Madrid | €35m (£25.7m)

=13. ROMELU LUKAKU | Chelsea → Everton | €35m (£25.7m)

12. JAVIER SAVIOLA | River Plate → Barcelona | €35.9m (£26.3m)

=10. MARIO GOTZE | Borussia Dortmund → Bayern Munich | €37m (£27.2m)

=10. WAYNE ROONEY | Everton → Manchester United | €37m (£27.2m)

9. LUKE SHAW | Southampton → Manchester United | €37.5m (£27.5m)

8. LUCAS MOURA | Sao Paulo → Paris Saint-Germain | €40m (£29.4m)

7. EDEN HAZARD | Lille → Chelsea | €40m (£29.4m)

6. JAMES RODRIGUEZ | Porto → Monaco | €45m (£33m)

5. LEROY SANE | Schalke → Manchester City | €50m (£37m)

4. RAHEEM STERLING | Liverpool → Manchester City | €69m (£50.7m)

=2. ANTHONY MARTIAL | Monaco → Manchester United | Up to €80m

=2. RENATO SANCHES | Benfica → Bayern Munich | Up to €80m

1. NEYMAR | Santos →  Barcelona | €83.5m (£61.3m)

Co1_e8AWAAQloW2-638x359 Neymar-Bartomeu-and-Rosell-620x409

Comments

comments

SHARE