Somaliland: “XEERKII HORE TUUR KU DAMBENA DIID (Malaha waa bilawgii dhamaadka Somaliland)” Cali Guray

Guddoomiyaha Saddexad Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray Ayaa Ka Hadlay Arritii Saddexda Xisbi Qaran Waxaanu Yidhi Sida Tan:

Wuxu Gudoomiye Muuse sheegay sedex dhinaca oo sedex soo jeedimood oo midna aanay u guuxin keenay. Inta aan kuraasida qaybsigooda laga hadlin waxa ka horeysa maxay kala ahaayeen sedexdu siyaasadaha ay ka kala duulayeen ilayn inta aan kuraasi laga hadlin waxa ka horaysay maxaa ugu haboon cadaaladna ah ama ugu dhaw cadaalad ee lagu salayn karaa saami qaybsiga eh. Halkan lagama sheegin.
Lakiin hadii lagu heshiin waayay saami qaybsi cusub wakhtigii laga hawlgeli lahaana ay xilgudasho la’aan timi oo aan looba dhaqaaqin intii hore oo dhan hadii kuwii xilkood gabayaasha mutaystaan in abaalgud looga dhigo ha iska fadhiyaan iyada dawladnimo inaga dhimatay. Higsigii ummadan ee ahaa dhismaha dawlad dimuqraadi ah oo la jaanqaadi karta caalamku wuxu isu rogay bay noqonaysaa isaguna riyo. Xisbiyadu, waa siduu Muuse hadalka u dhigaye maaha xisbiyo ee waa sedex nin oo Madaxwaynenimo doonaya wax aragti ah oy ka leeyihiin arintan ama ay ku kala duwan yihiina aanu jirin laakiin keliya uu mid walba doonayo inu kursiga ugu sareeya ku fadhiisto hadhawna ii kordhi iyo kuu kordhinay xaalku noqdo.Arinka Somaliland iyo qaranimadeeduna ay ku soo ururto uun kursi la kala rito oo kii mar isagu ritaana aanu ka kicin marka uu muddo xileedkiisu dhamaado oo iskaga sii fadhyi karo ilaa inta uu isagu doono. Ilaa ugu dambaysta, maalin maalmaha ka mid ah, ay gaadho in mar salka uu la helo mid yidhaa anigu weligayba ka kicimaayo wed iga kiciya mooyaane oo sacab iyo mashxarad in la soo abaabulay ku taageerto oo Tv-ga qaran iyo Radio Hargeysa la soo tubo dad gambadho loo dhigo oo qofkii damiir leh ee ka danqada halka lala marayo qaranimadii Somaliland ee waxa loo soo maray la ogaa lagu yidhaa ku wishiiriya oo caaya oo cambaareeya waa mucaaride, waa qaran dumise. Laguna siiyo waxooga iyada oo lagaga faaiidaysanayo baahidooda ilaa inta Ilaahay qiil u furayo tan isaga awood oo dhan iska leh oy tiisa noqotaaye.
Halka ay kuwii la doortay masiirkii dadkii aaminay ee doortay dhigeen xumaa baan anigu leeyahay. Bal aan ka dhur sugno waxa ka soo yeedha Madaxwaynaha sidani waa yaab eh

Comments

comments

SHARE