Kulanka Lagu Maamusayo Wayne Rooney Ee Man United & Everton Oo Si Toos Ah Looga Daawan Doono Facebook Caawa.

Kulanka lagu maamusayo waayaha ciyaareed ee Wayne Rooney ayaa si toos ah looga daawan doonaa bogga bulshada ee Facebook caawa.

Kulanka ka dhacaya Old Trafford ee ay Manchester United la ciyaari doonto Everton ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyay ee labo kooxood oo Premier League ah u dhaxeeya oo si toos ah looga baahiyo bogga warbaahinta bulshada ee Facebook weliba si sharci ah.

Waxaana ay la micno tahay in 1.7 bilyan ruux oo akoono ku leh Facebook inay fursad u heli doonaan inay daawadaan kulankaan oo bilaabanaya 9:30pm caawa fiidkii Saacada Geeska Afrika.

Boggoga Wayne Rooney iyo Manchester United ee Facebook ayaa wadar ahaan leh ku dhawaad 100 milyan taageerayaal ah.

Lacagta ka soo xaroota kulanka caawa waxaa loogu deeqi doonaa hay’ada tabarucaada Wayne Rooney.

Rooney oo 30 sanno jir ah ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in heshiiska aan la galnay Facebook in kulanka la igu maamusayo in laga daawan doono dunida dacaladeeda.

Comments

comments