Kooxda Xidigaha Geeska Oo Soo Bandhigay Midnimadooda Oo Dacaayado Laga Fidiyay

409

Kooxda Fanaaniinta aadka loo jecel yahay ee Xidigaha Geeska, ayaa shacabka Somaliland u soo bandhigay sida ay u mideysan yihiin isla markaana iyagoo isku duuban u jecel yihiin dalkooda hooyo ee Somaliland.

Kooxda Xidiguhu waxay sidaasi ka sheegeen intii ay socotay xaflad qado-sharaf ah oo uu huteelka summer-time ee caasimadda ugu fidiyay Xildhibaan Ismaacil Jaamac Xirsi (Cago-yare) oo ka mid ah  xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa. Xafladaas qado-sharafta ah waxay kooxdu sheegeen inaanu jirin wax tafaraaruq ah oo dhexdooda ka jiraa, waxaanay tilmaameen inay sii xejisanayaan kaalinta muuqata ee ay ugu jiraan fanka Somaliland.

Waxa kale oo kulankaasi ay ku soo marti qaadeen Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Mr. Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-yare), Ku-xigeenkiisa Fanaan Maxamed Maxamuud  Cigge (Busi) iyo abwaanka weyn ee Axmed Saleebaan Bidde.

Afhayeenka kooxda Xidigaha   Cabdiraxman Cismaan Cumar, ayaa sheegay in  fanaaniinta kooxdu ay yihiin qaar ul iyo diir ah oo mar walba si dhow iskugu xidhan isla markaana dal jacayl xad dhaaf ah leh. Waxa kale oo afhayeenku walaac ka muujiyay baraha xidhiidhka bulshadda ee Face-book-ga, waxaanu tilmaamay inay jiraan dad dhaqan ka dhigtay inay   samaystaan  face-book-yo loo adeegsado magacyada fanaaniinta si ay ugu faafiyaan hadallo been abuur ah oo aan ka suurto-gelin fanaaniinta kooxdooda.

“Mr. Cabdiraxmaan Cismaan waxa uu ugu baaqay dadka sida taban u adeegsadda isgaadhsiinta internet-ka inay ka waantoobaan dhaqan xumadda ay malo-awaalayaan. Waxa kale oo uu u mahad celiyay Xildhibaan Cago-yare oo martiqaadkaas u fidiyay kooxda.

Guddoomiyaha kooxda xidigaha Geeska Mr.  Axmed Wali Ibraahim Furinle, ayaa  isna sii xoojiyay inaanu jirin wax khilaaf ah oo dhexdooda ka aloosani, waxaanu xusay in koox ahaan ay dedaal weyn geliyaan inaanay hoos u dhicin midnimadda kooxdoodu.

Mr. Axmed Furinle, waxa uu ku baaqay in dadka danaynaya inay ka mid noqdaan kooxdaas ay soo dalban karaan, hase yeeshee sida uu caddeeyay ay qaadan doonaan ciddii buuxisa shuruudaha xeerka kooxdu dhigayo.

Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda Warfaafinta Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-yare), ayaa kooxdan ku ammaanay isku xidhnaanta ay caanka ku noqdeen, waxaanu ku booriyay inay  himiladooda halkaas ka sii wadaan.

Cabdi-yare waxa uu ku booriyay inay awooda saaraan iyagoo ah urur dhisan haddana ay sharciyadooda dhigtaan xeer ilaalinta guud si ay dawladduna macluumaad uga hayso qoddobada sharci hoosaadkooda.

Dhinaca kalena,waxa   iyaguna tallooyin waayeel ku hoggo-tusaaleeyay Agaasime ku xigeenka waaxda dhaqanka Maxamed Maxamuud  Cigge (Busi) iyo Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

IMG-20160731-WA0010 IMG-20160731-WA0019

Comments

comments

SHARE