Warbixin: 10kii Xiddig Ee Ugu Xawaaraha Dheeraa Xilli Ciyaareedkii Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyay. Kumaa U Sareeya Liiskaan?

Iyadoo xilli ciyaareedka cusub ee Premier League uu soo dhawaanayo, waxaa la joogtaa waqtigii la xisaabi lahaa ciyaartoydii ugu orodka badneyd xilli ciyaareedkii hore ee 2015-16.

Xiddigaha orodka badan sida Jesus Navas iyo xiddiga Leicester City Jamie Vardy ayaa meel weyn kaga jira liiskaan laakiin kumaa u sareeya?

Sida lagu daabacay jariirada The Sun waxaa u sareeya liiskaan weeraryahanka Manchester United Anthony Martial kaasoo laga diiwaangeliyay inuu ku orday xilli ciyaareedkii hore xawaare gaaraya 35.44 kiilomitir saacadii, waxaana ay kaalinta koowaad iskula jiraan xiddiga Leicester City Jamie Vardy oo isna xawaare intaas gaaraya ku orday.

Kaalinta seddexaad waxaa ku jira xiddig kale oo Leicester City ah Jeffry Schlupp kaasoo laga diiwaangeliyay xilli ciyaareedkii hore inuu ku orday xawaare gaaraya 35.26 kiilomitir saacadii, kaalinta afaraad waxaa soo galay weeraryahanka Liverpool Divock Origi oo ku orday xawaare gaaraya 35.15 kiilomitir saacadii, halka daafaca Tottenham Kyle Walker uu soo galay kaalinta shanaad isagoo ku orday xawaare gaaraya 35.09 kiilomitir saacadii.

Shanta kaalin kale ee hoose waxaa ku kala jira xiddiga Sunderland Billy Jones (35.07 km/s) xiddiga garabka ka ciyaara ee Man City Jesus Navas (35.06 km/s), weeraryahankii joogay West Ham Victor Moses (35 km/s), xiddiga Leicester City Marc Albrighton (35 km/s), xiddiga Bournemouth Joshua King (34.99 km/s) iyo xiddiga Norway Cameron Jerome (34.97 km/s).

Comments

comments

SHARE