Somaliland: “Xukuumad Wakhtigeedii Dhammaaday, Ma Geli Karto Heshiiska Dekedda Oo Kale”

208

“Heshiiska Dekeddu wuxuu u eg yahay Dabagoosi ee uma eka wax Qaranka dani ugu jirto…”

 “DP World waxay soo wadda heshiiskii dhabta ahaa oo Xukuumadda Somaliland waa lagu aamini waayay, waxa lagu xidhay khasnad ku taala Dubia..”

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Sanaag, ayaa shaaca ka qaaday in madmadaw badani ku jiro Heshiiska wareejinta Dekedda Berbera ee Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda Dubai Ports World, isla markaana waxa uu sheegay in Xukuumaddu qarinayso wax badan oo ku jira Heshiiskaas oo uu xusay inaanay dani ugu jirin dalka iyo dadka Somaliland oo ay Koox yari la dhuumanayso sida uu sheegay.

Waxa uu Xildhibaan Rayte sidaa ku sheegay mar uu shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlayey xarunta Baarlamaanka Somaliland ee Hargeysa, waxaanu yidhi; “Wax badan halla kala saaro, dalku maal-gashi buu u baahan yahay, Dekeddu maalgashi bay u baahan tahay, inaynu maalgashiga soo jiidanno ayaynu u baahannay, laakiin maalgashigu nidaam buu leeyahay, Shuruuc buu leeyahay, siyaasad buu leeyahay. Waxaa loo baahan yahay Dekedda heshiiska lala galayaa inuu noqdo heshiis la hubiyey inuu Qaranka u dan yahay, heshiis cad oo furan oo cid waliba ku qanci karto oo arki karto waxani wixii aynu u baahnayn inuu yahay.”

Xildhibaan Rayte oo ka hadlaya Heshiiska sida koox Xukuumadda ka tirsani isugu koobtay, waxa uu yidhi; “Laakiin, heshiis cid gaar ahi la dhuumanayso oo marba meel la tegayso oo Shirkad la hadlayso oo aan Bulshada loo soo bandhigin, oo aan Baarlamaankii loo soo bandhigin oo aan cidna loo soo bandhigin oo aan wada-tashi laga samayn, heshiiskaasi maaha heshiis. Soomaalidu waxay tidhaahdaa; ‘Xalaal iftin baa la qashaa’. Maalgelinta waannu soo dhawaynaynaa, dalku wuu u baahan yahay. Laakiin, maalgelintu siyaasad cad oo xalaal ah oo sharci ah iyo daah-furnaan cid waliba ku qanacsan tahay in dalka dantiisu ku jirto ayuu u baahan yahay. Dalka dantiisa koox yari ma arki karto, afar nin oo sii socda oo soo socda oo la ogyahay inay wax badan oo horena dillaaleen looma baahna.”

“Heshiiska qodobbo badan oo ka mid ah lama daabicin, qodobbo aan la hubin oo tuugo Saxaafadda ku soo galay way jiraan oo hordhicii ah, faahfaahintii heshiiskaa weli lama hayo oo wax la kala saxeexday lama garanaya. Waxaanad arag sidaad wax uga sheegtaana way adag-tahay. Laakiin, hordhaca la hayo waxaa ka mid ah qodobbo Dastuurka khilaafsan, waxaa ka mid ah in awoodda dowladda Somaliland uu heshiiskani xaddidayo oo aanay Dekedo kale dhisi Karin, in cashuurta ay cidi kala go’ynayso aan dowladda ahayni, qaabka loo qiimeeyey Dekedda oo aan la garanayn.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Markaa, waxaannu qabnaa Heshiisyada la galayaa inay noqdaan heshiisyo daah-furan, heshiisyo laga wada qaybgalo, Golaha Wasiirradu wada ogyihiin oo la soo dhigo, Golaha Baarlamanka la soo dhigo, Bulshada loo soo bandhigo, dadka deegaammada uu heshiisku khuseeyo loo soo dhigo oo la tuso danta ugu jirta dadka iyo dalka, uma baahnin heshiis fadqalallo iyo rabshad keena.”

Xildhibaan Rayte oo la weydiiyey miyaanay Xukuumaddu awood u lahayn inay gasho heshiisyo kan Dekedda Berbera la xidhiidha oo kale ah? Waxa uu yidhi; “Anigu waxaan qabaa shaqsiyan, Xukuumaddan toddoba bilood baa u hadhay, toddobadaasina waa kordhin, wakhtigeedi mar hore ayuu dhammaaday, heer ay ku gali karto heshiisyo caynkaas ah oo muddo dheer ah ma laha awood noocaas ah. Waxaan qabaa wadahadalka Shirkadda Maalgashiga hadday doonayaan inay galaan inay sugaan doorashada lix bilood baa ka hadhay, inay Xukuumadda timaadda iyo Baarlamaanku ay markaa galaan heshiiskaas, laakiin immika waxa laga gaadhsiinayaa waxay u eegtahay daba-goosi ee uma eka wax Qaranka dani ugu jirto.”

Geesta kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo isaguna shalay Saxaafaddda la hadlay, ayaa ka hadlay arrinta Heshiiska wareejinta Dekedda Berberta, waxaanu yidhi; “Golaha Wakiilladu baddankoodu kama soo horjeedaan waddanka inuu wax u soo kordho, in waddanka la maalgaliyo raali baanu ka nahay. Laakiin waxaanu u baahannahay in waxkaste oo la qabayo yihiin wax cad oo daahfuran, waxa la yidhi; ‘Nin hillaab xumi inuu wax qarsanayo ayaa la mooda, wax la qarqariyanna qudhun baa ku jira, xukuumaddu siday u dhaqmayso waxaad mooda inay waxeega oo dhammi madaw yahay, suuq madawo ay wax ku waddo oo ay wax tahriibinayso, oo arrinkanni meel xaasxaasiyo ayuu maraya oo dad baa loo xidhxidhay.”

“DP World waxay soo wadda heshiiskii dhabta ahaa oo Xukuumadda Somaliland waa lagu aamini waayay, waxa lagu xidhay khasnad ku taala Dubia, waxay imika soo waddan inay inoo keenaan qabyo qoraal is afgarad baarlamaan u codeeya ma jiro. Waa inaad keentaan heshiiskii dhabta ahaa ee khasnadda Dubia laydinkaga xidhay. Wasiirka arrimaha dibadu wuxuu yidhi waxaanu soo qaadanay shan iyo toban malyan oo xaqul-qalin ah, adeer ma saxeexa madaxweynaha ayaad dadka ka iibinaysan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xoog ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog, waxaanu ku eedeeyey Xukuumadda Siilaanyo inay dalka khalkhal qabyaaladeed gelinayso, cid gaar ahna cabbudhin iyo xadhig aanay geyin ku hayso.

Comments

comments