Somaliland: “Shaqaalaha Kala Duduwan Ee Dekada, Dhamaantood Waxa Aanu U Cadaynay In Qof Shaqo Waayayaa Aanu Jirin Xuquuqdooduna Ay Tahay Mudami”. Wasiirka Madaxtooyada.

“Xukuumaddu, waa xukuumadii dadkan weeye, maaha cadaw ku soo duulay halkan kama wadno cadaawad, cabudhin, xadhig iyo bello, maaha dawladihii aynu la dagaalamaynay tani waa dawladii dadkani doortay ee lahayd ee lexjeclada ka lahayd”,

“si fiican ayaanu isu afgaranay, way noo cawdeen, waa lanaga dhex shaqeeyey warar badan ayaa noo kala tegay anaguna waanu ka raagnay, balse waxa aanu ku kala tagnay is afgarad, iyo in aanu xuquuqdoodii iyo kalsoonidoodii beerno” Wasiir Maxamuud Xaashi

(SLT-Berbera)Xubnihii guddida Maalgashiga dekeda Berbera ka shaqaynayey oo uu wehelinaayo Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cali Sandulle ayaa kulamo la yeeshay shaqaale weynaha dekeda Berbera, markii shirarkaasi laga soo baxayna waxa saxaafada la hadlay oo warbixin ka siiyey wixii laysla meeldhigay wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxaana ka mid ahaa hadaladiisi.

 

Comments

comments