Somaliland: “25 Sanadood Oo Aan U Soo Joogay Qadiyada Somaliland, Maan Maqal Wadan Si Qawan U Yidhaahda Anaga Somaliya Hal Wadan Bay Noo Tahay”.Cabdikarriim Axmed Moogge

Hadii madaxdayadii ku jawaabi weyday turkiyow anaga na maqal….hadii anad na aqoonsanayn adna kuma aqoonsanin, hadii basaboorkayagu kula mid yahay ID!! Anagana basaaboorkagu noogama duwana warqad xashiish taala!! Kuma joogtaan somaliland rabitaanka shacabkayaga, shacabkuna way maqleen oo wey ogadeen in anad noo ahayn saxiib dhab ah.

25 sanadood oo aan u soo joogay qadiyada Somaliland, maan maqal wadan si qawan u yidhaahda anaga Somaliya hal wadan bay noo tahay! Kalmadihii caanka ahaa ee aan maqli jiray waxa ka mid ahaa iyagu/Soomaalidu ha dhamaystaan arimahooda xitaa kuwa aadka uga soo horjeeda qadiyada Somaliland iyagoo ka marag-kacaya waxay Somaliland kali ku qabsatey.

Safiirka Turkiga u fadhiya muqdisho oo ah safiirka uu hoostago qusulka Turkiga ee Somaliland ayaa si qawan oo ka madhan xishoodka diblamaasiyada u yidhi markii ugu horaysay anaga Somaliya mid/hal bay noo tahay, Somaliland iyo Basaboorkeedana ma aqoonsanin oo wuxuu noola mid yahay ID!

Wali looma jawaabin!! Xukumad iyo asxaab qarantoona!! asxaabta qaranku waa KULMIYE,WADANI iyo UCIDe waxay ahayd in ay cadeeyaan halka ay ka tagan yihiin hadalka ka soo yeedhay safiirkaas hadey’se ka aamuseen taasi waxay mujinaysaa in anay jirin kala duwanaasho aragtiyeed markay timaado wadahadalada uu Turkigu dhexdhexxaadiyaha ka yahay iyo xidhiidhka dhinaca ka raran ee Turkigu la leeyahay Somaliland.

Comments

comments