Somalia: Muqdisho Gabadh Xuskii Dhalashadeeda Hadiyad looga dhigay Baastoolad!

Gabadh ka mid ah kuwa ku nool magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa Xaflad ay ugu dabbaal-degayso wakhti ka soo wareegay dhalashadeeda ku qabsatay Huteel lagu magacaabo Beach View ee ku yaal Xeebta Liido Degmada Cabdul Casiis, waxaana Hadyado ay ku maamuuseen qaar ka tisan dadka ay casuuntay ee asxaabteeda ah ka soo dhex-baxay arrin layaab noqotay oo dadka intooda badan ka fajicisay.

Intii ay Xafladdu socotay, ayaa Hadiyado kala duwan ay Gabadhan guddoonsiiyeen qaar ka tirsan Saaxiibbadeeda gaarka ah ee ay dabbaal-degga dhalashadeeda ku casuuntay, waxaase la yaab noqotay in Hadiyadaha la guddoonsiiyay ay ka mid ahayd Baaskoolad ka soo dhex-baxday mid ka mid ah Bushqadaha Hadyadaha ay ku maamuuseen Gabdhaha ay asxaabta ahaayeen.

Arrintan ayaa xalay illaa shalay waxaa si aad ah looga hadal-hayay baraha Bulshada ee ay Soomaalidu ku kulanto, ka dib markii ay Gabadhani barteeda Facebook soo dhigtay Sawirka Baaskooladda Hadiyad ahaanta loogu keenay.

Inkasta oo ay Soomaaliya muddo 25 sannadood ah dagaallo ku soo jirtay oo aanay aragtida noocyada kala duwan ee Hubku saamayn badan ku keenin indhaha Bulshada ku dhaqan, haddana waxaa cusbaa oo cajiib noqotay in Hadyad Gabadhi ku maamuusto Gabadh kale oo ay saaxiib ama asxaab yihiin Hadyad farxadeed ugu darto Hub noocan ah.

Comments

comments

SHARE