Somaliland: Wafti Wasiiro Ah Oo Maanta Socdaal Ku Tagay Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

226

Warar hadda nasoo gaadhaya soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Warganenews ayaa sheegaya inay safar  ku tageen magaalada berbera wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyada Somaliland .

Waxaana wasiiradan safarka ku tagay magaalada berbera ay kala ahaayeen wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan kuwaasi oo ay waheliyaan sida naloo sheegay ciidamo tiro badan.

Waxaan ujeedaada socdaalka waftigani daaran yahay sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen shaqaalaha muruq maalka ah ee dekeda magaalada berbera oo ay saameysay heshiiska dekeda berbera ee ay xukumaddu la gashay shirkada DP World isla markaana kasoo hor jeeda in la wareejiyo dekeda magaalada berbera.

 

Waxii warara ee kasoo baxa kulankaasi ay wada yeelanayaan wasiirada iyo shaqaalaha muruq maalka ah ee dekeda berbera kala soco shabakada WarganeNews

Comments

comments