Somaliland: Musharax Muuse Biixi oo Tilmaamay Baahida ay Bulshadu u Qabto Isbadal Maamul

190

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi,  ayaa sheegay in wakhtigan Somaliland u baahantahay in la qabto Doorashada Golaha wakiilada, Madaxtooyada iyo Guurtida.

Musharax Muuse Biixi Cabdi,   waxaa uu tilmaamay saameynta ay leedahay nidaamka wakhtiga dheer u taliya Bulshada maadaama  loo baahanyahay dad cusub oo ka shaqeeya Horumarka bulshada.

Guddoomiyaha Kulmiye waxaa kale oo cadeeyay in Saddex nidaam ee ka jira Somaliland ay ku joogaan Muddo Korodhsi  taasina ay sababi karto inay shaqeyn waayaan haayadaha qaar oo ka tirsan Dawlada.

“Baarlamaanku 11sano ayay meesha fadhiyaan oo dadkii ayaa leh nimankani meesha haka baxaan, Guurtidu 30 sano ayay fadhiyaan oo waala dhaxashey, xilka madaxtooyada laba sano ayaa daalac ah, waxaana u baahanahay in saddex doorasho la galo”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Munaasibad xisbiga Kulmiye u qabtay Taageerayaal kasoo Jeeday Gobolka Daadmadheed oo ka dhacday Hargeysa.

Musharaxa Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku ladhey“Qaranka somaliland oo dhami waxaa uu eed ku leeyahay kamaynaan tashan 11kaa sano sharcigii aynu ku gali lahayn doorashada  waynu dayacnay  oo nina eed dhabar loo saari maayo, laakiin haddii laga tagi waayo qolada wakiilada ayaynu eeda saaraynaa”

Comments

comments

SHARE