Somaliland: Munaasibad Lagu Soo Dhawaynayay Qurba Joogta Gobolka Togdheer Oo Burco Lagu Qabtay

Wasiiro,Xildhibano, Masuliyinta Gobolada Dalka Qaar kamida iyo Guud ahaanba Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Togdheer ayaa Soo Cammiray casho Sharafeed meeqaamkeedu sarreyey oo Madaxda Gobolka iyo Degmada Burco ku so dhoweynayeen kuna maamuusayeen Qurbajoga Gobolka Togdheer.

Munasibaddan oo u badnayd Heeso, Riwaayado,Cayaaro dhaqameed yo iyo madadaloyin kale isla markaasna uu toos u tabinayey Tvga qaranku ayaa gunaanadkedi hadalo dhirigelin iyo dardaaran isugu jiray ka soo jeediyey Maamulka Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco Badhasabka Gobolka Sanag Xildhiban ka tirsan Golayash Deganka Norway, Xildhiban Mubarik Bidhi, Xildhiban Rashid, Gudomiyasha Shirkado Ganacsi, Gudomiyha naadiga Halkaraan, Wasirudawlaha qorshaynta Qarank iyo wasiirka wasarada hawlaha guud md cali marexan, Dhmmantood waxay qurbajoga ku ammaneen kaalinta ay horumarka dalka kaga jiran iyago ku dhirigeliyey inay gobolkooda u soo jeestaan , farriina u diray qurbajoogakale ee weli debedaa ku maqan.

Munasibadahan lagu so dhoweynayo qurbajoga oo sannadkiiba mar lagu qabto gobolka togdheer yaa naadiga halkaraan lagu guddoonsiiyey buugag iyado sido kalen abaalmarino iyo shahaado sharafyo lagu maamuusay Wasiir Cali marexan iyo Xildhiban Mubarik Bidhi.

Comments

comments