Somaliland: Kulan Madaxweynuhu la yeelan lahaa Qoor-weynta Beesha Saaxil Oo Fashilmay, Xaaladda Berbera, Baxarasaafka Oo Kacsan Iyo Wararkii U Dambeeyay

Xukuumadda Somaliland, ayaa Ciidammadii ugu badnaa ee Magaalo Rayid deggan yahay la geeyo ku daabushay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Ciidammadan oo u badan Booliis iyo kuwa la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaanno RRU-da, ayaa Xaafad kasta oo ka mid ah Berbera la dhigay, iyaga oo illaa Xalay dhan walba u gaaf-wareegayey Jidadka Iyo Xaafadaha Magaaladaasi.

Ciidammadan ayay Xukuumaddu ugu talo-gashay inay kaga hor-tagto Haddii Dadweynaha Degmada Berbera sameeyaan kacdoon ay kaga soo hor-jeedaan Diidmada Xukuumadda ee qabashada Shirka DAN iyo DUCO  2, kaasi oo qorshuhu yahay inuu 1-da Bisha 8-aad oo Maanta ah uu ka furmo deegaanka Baxarasaaf oo ka mid ah Degmada Dacar-budhuq.

Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Berbera, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Xukuumaddu Ciidamo xoog leh geysay Deegaanka Baxarasaaf ee la doonayo in lagu qabto Shirka DAN iyo DUCO ee Xukuumaddu Saska ka qaadday, waxaana la Weriyey in Ciidammadu la wareegeen guud ahaan Deegaanka lagu Magacaabo Baxarasaaf.

Shirka DAN iyo DUCO 2 ee la doonayo in lagu qabto deegaanka Baxarasaafka ee Gobolka Saaxil, ayaan la ogeyn Ajandihiisa rasmiga ah, laakiin Abaabulkiisa ayaa ku soo beegmay Xilli Dadka Gobolka Saaxil qaarkood diiddan yihiin Heshiiska Dekedda Berbera iyo Xukun Dil ah oo Maxkamadda Ciidammada Qalabka sidaa ku ridday 8 Nin oo ku eedaysan Dilka Taliyihii Booliiska Saaxil, xukunkaasi oo Mudaharaaddo lagaga soo horjeedaa laba Toddobaad ka hor ka dhaceen Magaalooyinka Berbera, Sheekh iyo Burco.

Ciidammada la geeyay Berbera iyo Deegaanka Baxarasaaf, ayaa ku soo beegmay Xilli uu habeen hore fashilmay kulan Hal-doorka Beesha Saaxil ee Shirka Abaabulayaa la yeelan lahaayeen Madaxweynaha Somaliland, kaasi oo la doonayey in Xaaladda lagu dejiyo isla-markaana xal lagaga wada gaadho kala fogaanshaha Xukuumadda iyo Beesha Saaxil.

Comments

comments