Shirkadda Dahabshiil Group ee Gobolka Sool ayaa Lacag Dhan $10,000 oo Dollar ugu Deeqday Shirka Nabadeynta ee ka Socoda Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Dahabshiil Group ee Gobolka Sool ayaa sheegay inay ka Jawaabayaan baaq hore uga yimid Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka nabadeynta u jooga deegaanka dhumay oo ay ka socoto waanwaan nabadeed oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo walaala ah oo dhawaantan ku diriray koonfurata Gobolka Sool ee Deegaanadda Dharkin geenyo.

Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group ee Gobolka Sool mudane Khadar Cali Jaamac ayaa Sheegay inay kaalmo dagdeg ah gaadhsiin doonaan oo ay shirkadu kaga qayb qaadan doonto nabadeynta labada beelood ee walaalaha ah ee halkaas ka socota, waxana uu yidhi

” maanta halkan waxaanu isugu nimid codsi ay soo jeediyeen isimadda Dhulbahante ee ka wada nabadaynta deegaanka Dhumay, Markii aanu dhageysanay Baaqa ay Odayaashu soo jeediyeen ee ku saabsan baahida gogosha nabadeynta taala, oo ay ku codsanayeen in taageero laga siiyo arintaas.

Khadar Ali Jama Dahabshiil Group Manager Sool
Khadar Ali Jama Dahabshiil Group Manager Sool

Markaa waxaanu kaga jawaabaynaa baaqaasi waanu idinku taageeraynaa, idinkula garab taaganahay nabadaynta aad ka wadaan deegaanka, sidoo kale waxaanu ugu baaqayna labada beelood ee walaalaha ah in ay heshiiyaan.”

Dhinaca kalena waxa halkaas ka hadalay Odayaasha iyo Waxgaradka Magaaladda Laascaanood oo u mahadnaqay Shirkadda Dahabshiil Group.

waxana uu yidhi ” Anaga oo ah odayaashii magaaladda laascaanood, Shirkadu waxay balan qaaday inay baaqa ka jawaabayaso kuna bixin doonaan wixii wax lagaga qaban karo hawshaas, ilaahaybaana Mahadaa iska leh waanan u mahadcelinaynaa.”

sidoo kale waxa ka hadlay mid ka mid ah waxgaradka magaaladda waxaana uu yidhi

“Halakan waxa ka dhacay Khayr Wayn, Dahabshiil Group laascaanood khayr weyn bay sameeyeen, arintaa samafalka ah ee ay sameeyeena shaqaaqada ka taagan deeganadda dharkin-geenyo iyo Dhumay, aad iyo aad baan u soo dhawaynaynaa aqbalkaa ay aqbaleen ilahayna khayr haka siiyo.

Ilahaybaa Mahadaa iska leh, Waxaan u Mahadnaqaynaa Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Group Mudana Maxamed Siciid Ducaale iyo Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo Gudoomiye ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, iyo Dhamaan Shirkadaha Dahabshiil Group.”

Read More: Somaliland: Dahabshiil Group Oo Jaamacada Bariga Afrika Ee Buuhoodle Gudoonsiisay Deeq Dhan $10,000 kun Oo Dollar

Shirkadda Dahabshiil Group maaha Markii u Horeysay ee Caawimooyin ka geysato Deegaanadda Sool, waxa ay dhawaan Lacag $10,000 oo Dollar ah ugu Deeqday Jaamacadda Bariga Africa Faraceedda Buuhoodle Lacagtaas oo lagu horumarin doono jaamacadda.

Comments

comments